|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Muuse Biixi: Sannad Kadib. Waxay Ku Ururaysaa Weedhi Ahayd “Ma Sidaan Moodayay Mise Siday Noqotay”.!
November 17, 2018 - Written by Editor:Sannad ayaa u dhammaaday Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi. 21-November 2017-kii ayuu Koomiishanku ugu dhawaaqay Murashaxiintii KULMIYE. 14 December ayuu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi Golaha Wasiirada ee sawiradooda aragtaan. Maxa dib u socday dhacay sannad gudihii ?
5- Ku dhaqankii sharciga iyo ololihii MBC ee aha “Saraynta sharciga” ayaa gabi ahaanba meesha ka baxay sannadka xil hayntiisa u dhammaaday, tariikhda markii kobaad wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi saxeexay xeerkii Kufsiga oo sharciga waddanka ugu sareeya ka hor imanaaya, sharciga Dalka ugu sareeya waa Dastuurka, kaas oo dhigaaya “In wax kasta oo Diinta Islaamka ka hor-imanaaya aanay waxba ka jirin “ Madaxweynahu sannadkiisi u horeeyay ayuu sharci jabin galay. Waxa la kordhiyay cashuuro aan Golaha sharci dajintu ansixinin markii kobaad Somaliland intii Xukuumaddo soo maray, xitaa kuwii hore waxay kordhinayaan cashuur Golaha sharci dajinta ayay ka ansaxsan jireen itaalka, Xukuumadda Muuse Biixi way garab martay, cashuuraha sannadka xil haynta Madaxweyne Muuse Biixi la kordhiyay waxa ugu xoogan shidaalka oo wax kasta ku xidhan yihiin nolosha Somaliland. 6- 21-sanno kadib ilaa 1997-kii shacbiga Somaliland sannadka u dhammaaday Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi wuxuu u aha miday kala qaybsanaanta ay quluubtoodu kala durugtay gaadhay halkii u saraysay , taas oo wiiqday wadajirkii ummadda waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi muddo sannad ah oo uu xilka hayay ku guul daraystay inuu shacbiga mideeyo isu dhigo Madaxweynihii mid doortay iyo mid aan dooranba, kala fogaanshaha bulshada waxa dabka ku sii shiday hanaanka wax qaybinta Madaxweynaha oo badhkii Libaaxa uu Beeshiisa siisay bulshada intii kalena uu wixii soo hadhay u korka xaadiyay. Doorashooyinkii ayaa sannadkii koobaad ee Madaxweynaha soo oodmay mana muuqato rajo heshiis ilaa hadda. Lixda qodob ayaynu ku soo koobayna dib u dhaca sannadka ku yimi Somaliland, wixii ay guul sheeganayaan dhanka Xukuumadda Madaxweyne Biixi way u furantahay anigu docdii kale ayaan Iska taagay. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Sweden COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|