“Xisbiyada Mucaaradka Waxay Dantu Ugu Jirtaa Qabsoomidda Doorashooyinka,Waayo Haddii Doorasho Dhici Waydo Dastuurkeena Ayaa korodhsiimada Xalaalaynaya” Abdirashid H,Mataan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xisbiyada Mucaaradka Waxay Dantu Ugu Jirtaa Qabsoomidda Doorashooyinka,Waayo Haddii Doorasho Dhici Waydo Dastuurkeena Ayaa korodhsiimada Xalaalaynaya” Abdirashid H,Mataan.
November 2, 2018 - Written by Editor:

Geeddi socodka Dimuqraadiyadda Somaliland Waxa muhiim u ah in doorashooyinka Golayaasha Muddo Dhaafay Inoo Qabsoomaan.

Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxay caddeeyeen in ay dhinacooda diyaar ka yihiin qabsoomidda doorashooyinkaasi isla markaana ay xukuumadda ka heleen kharashkii loogu talogalay.

Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan

Haddaba waxaa lagama maarmaan ah inta ay ku xidhan tahay qabsoomidda doorashooyinkaasi dhinacyada ka joogsadaan oo aanay carqalad ku noqon qabsoomidda doorashooyinka.

Waxaan qabaa doorasho ka xun kana musuq badnayd tii golayaasha deegaanka ee 2012 kii aanay soo marin Somaliland laakiin xisbiga wadani oo la dhashay doorashadaasi marna ma durin doorashadaa iyo komishinkii waqtigaa midna, mana haboona in waqtigan doorashadu dib inooga dhacdo ayadoo xisbiga wadani kalsoonida komishanka shaki galinayaan.

Xisbiyada mucaaradka waxay dantu ugu jirtaa qabsoomidda doorashooyinka waayo haddii doorasho dhici waydo dastuurkeena ayaa korodhsiimada xalaalaynaya.

Sidoo kale inta qabta in aan doorashada golaha wakiiladu dhicin ilaa saami qaybsiga meel la dhigayo, waxaan xasuusinayaa in tobankii sano ee u dambeeyey aanay midho dhal noqon laakiin korodhsiimo u noqotay golaha muddo dhaafay in mar walba loo sii kordhiyo, sidaa darteed, maaddaama golaha maanta fadhiyaa qayb ka yahay fadhiidnimada doorasho la’aanta waxan qabaa in xalku ku jiro doorasho gole cusub oo laga yaabo in uu curin karo afkaar cusub oo suurto galin karta qabyotirka dastuurka oo saami qaybsigu qayb ka yahay.

Siyaasi Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan.

Allaa mahadleh

Jumca mubarak

COMMENTS
LINKS