|
|||||
WAJAALE NEWS
Xalka Lagu Furdaamin Karo Doorasho Somaliland Ka Dhacda March 2019
November 3, 2018 - Written by Reporter:Tan iyo Aasaaskii qaranimada somaliland 1991 somaliland waxyaabaha lagu majiirto waxa kow ka ah nabadgalyo taama oo ka hirgashay dhamaan gobolada ay ka kooban tahay jamhuuriiyadda somaliland; waxaana kaalinta labaad ku jirtay qabsoomida doorashooyin ku dhisan nidaamka dimurqaadiga ee hal qof iyo hal cod (one man one vote election) iyadoo oo ay soomaliland ka qabsoomeen doorashooyin kala duwan kuwaas oo dhacay wakhtiyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen doorashooyinkii dhacay 2003,2005,2010,2012,2017, kuwaas oo dhamaantood ku dhacay jawi nabadgalyo islmarkaana ay u riyaaqeen dhamaan goob joogayaashii caalamiga ahaa ee dusha kala socdey qaabkii ay u dhacayeen doorashooyinkaasi , inkasta oo aaney somaliland kasban natiijadii ka dhalan laheyd in somaliland lagu abaal mariyo ka dib doorashooyinkaasi sida nabadgalyada ah u dhacay haddana waxay somaliland u saamaxeen in beesha caalamku aaney indhaha ka qarsan xaqooyinka ka jira somaliland ee nabadgalyo , dhaqaale,aqooneed iyo dhaqdhaqaaqyada gacansi ee ka socda somaliland Si kasta ha ahaatee , iyada oo ay jireen caqabado dastuuri ah oo wakhtiyada qaar keenay in dib u dhac ku yimaado doorashooyinka wakhtigooda ; haddana marna may dhicin in khilaaf soo kala waajaha asxaabta qaranka awgii ay doorashadu dib ugu dhacdo wakhti dheer waxaana iman jirey isu tanaasul dhinacyada asxaabta ah ama go’aan madaxweyne oo xal lagaga gaadho qabsoomida doorashooyinka , mudane Daahir Dayaale Kaahin ayaa noqdey madaxweynihii ugu doorasho qabashada badnaa intii uu hayey hogaanka dalka isaga oo qabtay doorashooyinkii 2003,2005,2010 iyada oo doorashadii u danbeysayna aheyd tii lagaga guuleystay isaga oo si niyad sami ah ugu wareejiyey Madaxweynihii dhawaan tallada ka degan Ahmed Maxamed maxamuud (siilaanyo) iyada oo arrinta mucjisada ahi noqotey sidii uu aqbaley natiijadii ka dhalatay doorashada oo aheyd mid dalalka afrika naadir ku ah Si kastaba ha ahaatee, waxaan qormadaydan ku soo gudbin doonaa xalka lagu furdaamin karo doorashooyin somaliland ka dhaca march 2019 haddii Eebe ogolaado waxaana ka mid noqon kara:-
Qalinkii: Musharax Axmed Max’ed Cisman Caalin Caalin178@gmail.com
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|