|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Maaliyadda “Xisaabaadka Guud Waa Waax Ka Tirsan Wasaaradda Maaliyadda”
November 8, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa xaqiijiyey in xafiiska Xisaabaadka guud uu yahay Waax ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Sidaasna wuxuu Wasiirka Maaliyaddu ku caddeeyey war-saxaafadeed kooban oo uu maanta soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka ee Wajaalenews, waxaanu u qornaa sidan:- “Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay caddaynaysaa inuu dhammaaday kala aragtida sharciyeed ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Waaxda Xisaabaadka Guud ka dhexeeyay, kaas oo ku soo dhammaaday in Xafiiska Xisaabaadka guud yahay Waax ka mid ah Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, sida ku xardhan Dastuurka JSL, Xeerka Maamulka Maaliyadda ee Waddanka u Dejisan iyo Hannaanka Dowladnimo ee Dunidu isticmaasho.”
WAJAALENEWS.NET HARGEYSA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Madaxwaynaha Jsl Oo Golaha Wakiilada Ugudbiyay Xubnaha Cusub Ee loo Soo Magacaabay Komishanka Dooras... Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Khasaaraha Uu Sobobay Dagaal Laba Beelood Ku Dhexmaray Deegaanka fad... Daawo: Xaaladda Goobaha Lagu Qalo Xoolaha Ee Magaallada Hargaysa Oo Laga Dayrinayo Inay Ka Dhashaan ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|