|
|||||
WAJAALE NEWS
Waraysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Abwaan Axmed Saleebaan Bide, Kana Waramay Qisada Jacaylkiisii Uu 22 Sano Sugayay
November 12, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Marka laga hadlayo dhinaca lamaaneyaasha, Jacaylku waa dareen dhab ah oo uu qof u qaado ruux kale, kaasoo uu doonayo inuu la wadaago nolosha isagoo aan ku qanceynin cid kale oo u baddasha, waana mid si isku mid ah u haleela ragga iyo dumarkaba, inkastoo uu badanaa ku hormaro labada qof midkood. Mid ka mid ah sheekooyinka xiisaha badan ee la xidhiidha jacaylka dhabta ah ayaa ku saabsan abwaan soomaaliyeed oo wakhti dheer jeclaa gabadh uu calmaday. Inta aanan guda galin sheekada waa kuma qofka ay khuseyso? Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, wuxuu in ka badan 60 sano ku soo jiray Fanka Soomaaliyeed, waana shakhsi ay aad u yaqaannaan dadka ehelka u ah sugaanta, dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida. Waxaa lagu xasuustaa Riwaayaddii uu ku caan baxay ee la odhan jiray ‘Alle aamin ma iisho’, taasoo soo baxday horraantii sannadkii 1964-kii, wuxuuna sidoo kale sameeyay ku dhawaad 40 riwaayadood iyo heeso fara badan. Abwaanka oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa wuxuu leeyahay taariikh jacayl oo dhab ah, aadna u xiiso badan. Wuxuu guursaday gabadh uu jeclaa muddo 22 sano ka hor ah. In badan oo ka mid ah heesihiisa wuxuu ku cabiray jacalkiisa. BBC-da ayuu uga sheekeeyay qisadiisa, isagoo sharraxaad ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu lasoo maray jacaylkiisa. “Heesaheyga dadku waxay ugu jecelyihiin midda uu qaaday AUN Maxamed Axmed Kuluc, taasoo aan u qaaday gabadh aan jeclaa, waxaana guursaday 22 sano ka dib” ayuu yidhi. Heestaas, oo uu abwaanku ku ammaanayay gabadha, jacaylkiisana ugu sheeganayay, ayay qaar ka mid ah erayadeedu ahaayeen sida soo socota: Sida geed caleen iyo Ubax guud ka qariyeen ooy gooni laamaha ay midiba geesteed hoobaan is gaadhiyo guntin midho ah leedahay oo soo gandoodoo galka faraqa soo daray oo godon barwaaqo ah durdur aan go’ayniyo gacan webi ku yaaliin oon gu iyo jiilaal midab guurin baad tahay. Gabadh yahay kalgacal baa goortaan ku eegaba qalbigayga gelisaa waxse aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka aad i gaadhsiin. Laakiin gabadhii ayuu sheegay inuu nin kale ka guursaday, arrintaasna uu aad uga hinaasay. “Gabadha iyadoo aan heshiinay oo aan ahayn walaalo isjecel, guurna ku heshiinay ayuu nasiibku na kala geeyay. Waxaan la shaqeynayay Maxamed Aadan Dacar, oo aan guurkiisa kala shaqeynayay. Labo cisho ayaan ku mashquulay, markii aan soo laabtayna waxaan u imid iyadoo gabadhii la guursaday”. Maxaa ludhay naftaadii? Hinaase awgii ayuu abwaanku u sameeyay hees la magac baxday ‘Maxaa ludhay naftaadii’, oo ay ku luuqeysay fannaanadda Hibo Nuura, waxayna qeybo ka mid ah midhaheedu ahaayeen sidan: Innakoo lamaane ah iyo labo naf qeybsi leh talo geed ku laashee adigaa is lumiyoo isu loogay cadowgoo libintaadi siiyee waa adiganse liitee leexadu ku sidatee hadba laan cuskanayee liibaanteed adduunyada ruuxna laasan maayee Maxaa luray naftaadii? Muddo ka dib Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, wuxuu calaf u yeeshay inuu guursado gabadhii uu jeclaa, 22 sano ka dib. “Waa marwo wanaagsan, haddana waan wada joognaa. Waxaan guursaday saddex sano ka dib markii ninkeedi laga dilay” ayuu ku yidhi wareysi uu siiyay BBC-da. Qisada Abwaanka ayaa ka mid ah qisooyin jacayl oo fanka Soomaalida lagu xusay, kuwaasoo marka laga soo tago qisooyinka riwaadaha ay sidoo kale jireen kuwo dhab ah. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|