Waraysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Abwaan Axmed Saleebaan Bide, Kana Waramay Qisada Jacaylkiisii Uu 22 Sano Sugayay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waraysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Abwaan Axmed Saleebaan Bide, Kana Waramay Qisada Jacaylkiisii Uu 22 Sano Sugayay
November 12, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Marka laga hadlayo dhinaca lamaaneyaasha, Jacaylku waa dareen dhab ah oo uu qof u qaado ruux kale, kaasoo uu doonayo inuu la wadaago nolosha isagoo aan ku qanceynin cid kale oo u baddasha, waana mid si isku mid ah u haleela ragga iyo dumarkaba, inkastoo uu badanaa ku hormaro labada qof midkood.

Mid ka mid ah sheekooyinka xiisaha badan ee la xidhiidha jacaylka dhabta ah ayaa ku saabsan abwaan soomaaliyeed oo wakhti dheer jeclaa gabadh uu calmaday.

Inta aanan guda galin sheekada waa kuma qofka ay khuseyso?

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, wuxuu in ka badan 60 sano ku soo jiray Fanka Soomaaliyeed, waana shakhsi ay aad u yaqaannaan dadka ehelka u ah sugaanta, dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida.

Waxaa lagu xasuustaa Riwaayaddii uu ku caan baxay ee la odhan jiray ‘Alle aamin ma iisho’, taasoo soo baxday horraantii sannadkii 1964-kii, wuxuuna sidoo kale sameeyay ku dhawaad 40 riwaayadood iyo heeso fara badan.

Abwaanka oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa wuxuu leeyahay taariikh jacayl oo dhab ah, aadna u xiiso badan.

Wuxuu guursaday gabadh uu jeclaa muddo 22 sano ka hor ah.

In badan oo ka mid ah heesihiisa wuxuu ku cabiray jacalkiisa.

BBC-da ayuu uga sheekeeyay qisadiisa, isagoo sharraxaad ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu lasoo maray jacaylkiisa.

“Heesaheyga dadku waxay ugu jecelyihiin midda uu qaaday AUN Maxamed Axmed Kuluc, taasoo aan u qaaday gabadh aan jeclaa, waxaana guursaday 22 sano ka dib” ayuu yidhi.

Heestaas, oo uu abwaanku ku ammaanayay gabadha, jacaylkiisana ugu sheeganayay, ayay qaar ka mid ah erayadeedu ahaayeen sida soo socota:

Sida geed caleen iyo

Ubax guud ka qariyeen

ooy gooni laamaha

ay midiba geesteed

hoobaan is gaadhiyo

guntin midho ah leedahay

oo soo gandoodoo

galka faraqa soo daray

oo godon barwaaqo ah

durdur aan go’ayniyo

gacan webi ku yaaliin

oon gu iyo jiilaal

midab guurin baad tahay.

Gabadh yahay kalgacal baa

goortaan ku eegaba

qalbigayga gelisaa

waxse aanan garanayn

ii gunuday caashaqe

halka aad i gaadhsiin.

Laakiin gabadhii ayuu sheegay inuu nin kale ka guursaday, arrintaasna uu aad uga hinaasay.

“Gabadha iyadoo aan heshiinay oo aan ahayn walaalo isjecel, guurna ku heshiinay ayuu nasiibku na kala geeyay. Waxaan la shaqeynayay Maxamed Aadan Dacar, oo aan guurkiisa kala shaqeynayay. Labo cisho ayaan ku mashquulay, markii aan soo laabtayna waxaan u imid iyadoo gabadhii la guursaday”.

Maxaa ludhay naftaadii?

Hinaase awgii ayuu abwaanku u sameeyay hees la magac baxday ‘Maxaa ludhay naftaadii’, oo ay ku luuqeysay fannaanadda Hibo Nuura, waxayna qeybo ka mid ah midhaheedu ahaayeen sidan:

Innakoo lamaane ah

iyo labo naf qeybsi leh

talo geed ku laashee

adigaa is lumiyoo

isu loogay cadowgoo

libintaadi siiyee

waa adiganse liitee

leexadu ku sidatee

hadba laan cuskanayee

liibaanteed adduunyada

ruuxna laasan maayee

Maxaa luray naftaadii?

Muddo ka dib Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, wuxuu calaf u yeeshay inuu guursado gabadhii uu jeclaa, 22 sano ka dib.

“Waa marwo wanaagsan, haddana waan wada joognaa. Waxaan guursaday saddex sano ka dib markii ninkeedi laga dilay” ayuu ku yidhi wareysi uu siiyay BBC-da.

Qisada Abwaanka ayaa ka mid ah qisooyin jacayl oo fanka Soomaalida lagu xusay, kuwaasoo marka laga soo tago qisooyinka riwaadaha ay sidoo kale jireen kuwo dhab ah.

COMMENTS
LINKS