|
|||||
WAJAALE NEWS
Waftigii ka Socday Xukuumada Somaliland Ee Ku Sugnaa Dalka Uk Oo Cardiff Uu Kusoo Dhaweeyay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Wales Iyo Sobobta!
November 15, 2018 - Written by Editor:Cardiff(W,N) Waftigan Wasiirada iyo xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland iskugu jira oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ku sugnaa dalka Ingiriiska gaar ahaan Gobolka Wales Caasimada Cardif. Safarka Xubnahan wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee ka socday xukuumada madaxwayne Muuse Biixi ayaa waji gabax Kala kulmay Jaaliyada reer Somaliland ee Cardiff iyo guud ahaan taageerayaashii xisbi xakimka Kulmiye. Kadib markii Aanay xubnaha waftigan wax xidhiidha lasoo samayn Bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Gobolka Wales iyo ujeedada rasmiga ah ee ay uyimaadeen toona. Dhanka kale xubnaha waftiga wasiirada ah ayaa waxaa gadhwadeen ka ahaa shaqsiyaad aan wax xil ah ka haynin xukuumada oo hore ururada bulshada ee ka dhisan Magaalada cardif khilaafyo badan kasoo dhex abuuray balse markii ay arkeen isagoo waftigii xukuumada hor kacaya ay keenay inaanay gabi ahaanba usamaynin wax soo dhawayn ah Waji gabaxan ay Cardiff kala kulmeen xubnaha ka socday xukuumada kulmiye ayaa dhanka kale keentay in ay miciin sadaan in uu gadhwadeen unoqda inta ay halkan ku sugan yihiin gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani taasi badi bulshada taageerta xisbiga Kulmiye ay dareen cadhole ka bixiyeen . Dhacdadan ay la kulmeen waftigani ayaa loo Sababaynayaan in ay ka danbaysay In Waftigu Anaay markooda horeba ku Iman wax Qorshe ah Oo Ay Xaga Xukuumada kaga Socdeen. Waana Sababta keentay Inay ugacan Galaan Gudoomiyihii Xisbiga Mucaaridka Waddani Ee Cardiff Mudane Mubaarik Axmed. Waftigan ayaa waxa Waday shaqsi Aan Ilaa Imika lagaranayn Xilka uu Dawlada kahayo. Masuulka ayaa kamid ahaa dadkii ka hawlgali jiray kumuyuunatiga Soomalida ee Cardiff. Lama garanaayo waxa uu Waftiga Soomaliland ugu soo lugooyay magaalada oo aanu jirin wax qorshe ah oo u yaalay Iyadoo Bulshada reer Cardiff Marka horaba ay u tirinayeen xubintan hor socday waftigan in ay dartii u xidhmeen Kumuyuunatigii soomalidu. Sikastab ha ahaatee dhacdadan ay la kulmeen xubnahan ka socday xukuumada kulmiye iyo qorsho la,aanta ay ku tageen magaalada Cardiff ayaa noqonaysa mid saamayn balaadhan ku keeni doonta xukuumada kulmiye iyo kala fogaansho k dhex bilowda bulshada reer Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye ee magaalada Cardiff taasi oo halis ku ah xukuumada madaxwayne muuse mucaaridad ay kala kulanto Qurbaha ,
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|