Soo Dhawayni Taageero Maaha!!Qalinkii; Cabdiqani Kabtanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soo Dhawayni Taageero Maaha!!Qalinkii; Cabdiqani Kabtanka.
November 27, 2018 - Written by Editor:

Waxaad tahay madaxweynihii qaranka jamhuuriyadda Somaliland si kastaba aad ku timaadide. Waxaad tahay astaantii qaranka. Sidaa daraadeed talaabo kasta oo dhulwaynaha somaliland kamida inaad booqato waa waajib dastuuriya oo kusaaran. Dadweynaha muwaadiniinta ah waxaa ku waajiba inay si diiran kusoo dhaweyaan.

Lakiin madaxweyne safarkani wuxuu ku haboona markii aad xilka qabatay sanad kahor. Waxbadan oo qaldamay ayaad adigu jaanis siisay intii aad Villa Somaliland hoosta kasoo qufulatay eed tidhi cidina ii iman mayso cidna u tagi maayo dadkii doorashada ku qaybsamay ayaad jaanis aad ku midayso siinwayday. Taasina waxay ina dhaxalsiisay in dadku kala shikiyo. Marhadii ilaahay ku garansiiyay inaad dadkaaga Safar ugu tagto waa arin wanaagsan  waxaa lagaaga fadhiyaa kolay dadka Soo dhagaysatee inaad simugleh uga falceliso waxad Soo aragtay iyo waxaad soomaqashayba.

Madaxweyne waxaa lagaaga fadhiyaa xukuumaddan dhinaca kararan inay mid lawada leeyahay noqoto oo xaaladda dalku marayo maanta kadabaalan karta wayo xukumad qufulani oo beelqudha ahi meel inoo wadimsyso . Ugu danbayntii madaxweyne ololo doorasho laguma jirin sidaa darteed soo dhawaynta balaadhan ha uqaadan in lagugu tageersanyahay sida qaldan eed wadankii u handaraabtay.

Allah Mahad leh

QALINKII; Cabdiqani Kabtanka.

COMMENTS
LINKS