Somaliland Oo Aqoonsi Heshaa Waa Walaalka Iyo Wehelka Koowaad Ee Somalia Leedahay! FAALO, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Oo Aqoonsi Heshaa Waa Walaalka Iyo Wehelka Koowaad Ee Somalia Leedahay! FAALO,
November 29, 2018 - Written by Editor:

Sawirkan Waxa ka Muuqda Markii Muqdisho ay Isku Haysteen Labadii Hogaamiye Ee Ali Mahdi Mohamed Iyo Gen Mohamed Farah Aideed, Markaasay ka Dhaweyd Maanta oo ay Dawlado Shisheeye  Isku Dhex Haystaan Somaliya!

SOMALIYA 1

HARGAYSA(W,N) Waxa ay ahayd intii Aan Cidwaliba Danaheega ka dhex baadheyn dalka aynu jaarka nahay ee Somalia, sababta aan sidaa u leeyahay waxa ay tahay Somalia waxa loo soo raray dhibaatooyin iyo mushkilado dawlado shisheeye iyo dano dabada ku haya, mid siyaasi sido iyo mid wadaad xambaarsan yahayba.

Somaliland waxa ay marxaladahaasi kaga soo baxday gargaarka Alle swt waxa soo labeeya taladii ay dadka Somaliland gudahooda isku tashadeen ee ay isa saamaxeen, cida amaanteeda leh ilaahay swt inta ka sokeysaana waa jabhadii SNM ee dalka xoreysay oo waxii ay u soo dagaalameen ku soo celiyey gacantii dadkooda.

Somaliland iyada oo aan is kala gureyn ayey maalinba talaabo soo qaadeysay iyada oo isticmaaleysa dhaqaalaha gudaheega iyo xoolaheega nool oo aan cid bini aadam kale ahi caawineyn, Alxamdulillaah in aanay cid kale dhaqaale ku bixin, ilaa hadii ay ku bixin lahaayeen danahooga ayey inaga dhex fushan lahaayeen.

Mushkiladaha Somalia yaala waxa ka mid ah ee ay u xasili laadahay waa in aan Somali tashaneyn ee dawlado kale iyo cid aan dooneyn in ay hagaagaan dabada hayso, waxa qabsanaya shacabka masaakiinta ah ee dhibaatada nabadgalyo daradu ku raagtey marba koox ay moodayaan dadkoodii laakiin ah niman passport ajaaniba wada sita oo dawlado kale wataan.

Waxa aan xasuustaa wakhtigii uu Madaxweyne Mohamed Ibrahim Egal AHN lahaa Somalia aynu shir u qabano aynu ku heshiisiino waayo inagaa ugu dhow ee iyaguna ha ina aqoonsadaan, waxa aan is leeyahay fursad bay aheyd haday suuragali laheyd maanta midhaheega la guran lahaa.

Somalia ha aqoonsanto in riyadii 5tii somaliyeed ee reer Somaliland hormoodka ka ahaayeen ilaa gobanimo doonkii ee markii calanka la helay dhicisowday in aanay aheyn wax shaqeynaya, walaaleheena somalida ah ee Ethiopia dawladooda ethiopia ha aaminaan oo wax hala qaybsadaan oo iyagu Ethiopia ha u taliyaan, kuwa Kenya sidaa soo kale, Djibouti na iyadaaba dawlad ah, Somaliland iyo Somalia oo midowgoodii 1 July 1960 kii noqday mid lagu hungoobayna ha is aqoonsadaan oo laba dawladood oo walaalo ah ha noqdaan.

Hadii taa la helo qofka somaliga ah 5 ta calan leh ee isagu mid walba maamula waxa ka sharaf iyo magac badan ee la doonayo anigu maan garan, nidaamkan aduunyadu u dhisan tahey maaha xuduudo isir ee waa xuduudo dawladeed, walow gumeystihi sidan dadka Africa u qaybiyey oo cidiba cidii la islahaa way ka garasho badan tahay ama way fikiri oo waxbay wada qabsan la kala qaybiyey.

 

Qaybsanaantaasi maaha mid inaga uun inagu kooban e ee marka aad dhinac eegto aduunka oo dhami wuu qaybsan yahay laakiin wax ay ka mideysan yihiinba jirta oo dadka UK ka soo jeeda ee maraykan degani iyagaa maamula USA, AUSTRALIA sidaa soo kale, muhiimadaydu waxa ay tahay hadii ay diin tahay islam iyo hadii ay isirnimo somalinimo tahayba qolo walba halkeeda haka dedaasho oo wax hala qaybsato.

Waxa ugu qiimo badan oo aadamuhu u baahan yahay waa nabadgalyo sida ay diinteena suubani inoo sheegtay oo xataa iimaanka amnigaa laga horeysiiyey, in lagu dedaalo sidii Somalia gudaheega uga tashan laheyd amnigeeda, mandaqada ay ku taalana nabadgalyo ugula noolaan laheyd waxa aan is leeyahay waa mid ka ay ugu baahi badan tahay maanta ilaahay swt dhibta ha ka saaro e.

Taladaan la ruugin waa lagu raafaadaa. Mushkiladuhu waxa ay intan ka sii cuslaan doonaan marka qof Somali ah oo qurbaha ku dhashay oo aanad garaneyn dhaqan iyo diin waxa uu xambaarsan yahay ee aad u taqaano inaadeerkaa oo reer hebel ahi ay dib inoogu soo noqdaan 20ka sano ee socda hadaan maanta laga sii tashan oo inta gudaha joogta iyo inta dibadaha joogtaaba arinkaa ka feejignaan.

Ilaahay ha u naxariisto general Aideed iyo Magool oo labadooduba geeriyoodeen.

Aragtidii iyo Ra’yigii

QALINKII Muhamed Dhimbiil

HARGAYSA SOMALILAND

COMMENTS
LINKS