Siyaasi Ramaax oo Ku Baaqay In Dalka Laga Saaro Hay”adda UNDP, Eedo Culusna U Jeediyay Xukuumada Madaxweyne Biixi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Ramaax oo Ku Baaqay In Dalka Laga Saaro Hay”adda UNDP, Eedo Culusna U Jeediyay Xukuumada Madaxweyne Biixi
November 6, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax” ayaa waxa uu xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay dalka ka saarto Hay”adda UNDP oo uu sheegay in deegaaanka Badhan ee gobolka Sanaag ay ka dhisayso xarun loo samaynayo Baarlamaanka Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Xoghaye Ramaax sidoo kale waxa uu ka digay in cawaaqib xumo ka dhalan karto khilaaf uu sheegay in uu ka dhexeeyo golaha Wasiirada ee Xukuumada Madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale waxaa uu xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi uu ku dhaliilay in ergooyinkii ka qayb galayay nabadaynta beelihii walaalaha ahaa ee dhawaan dirirtu ku dhexmartay koonfurta gobolka Sool ay Somaliland kaga soo horeeyeen ergooyinkii ka socday gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo qaar kale oo ka soo socdaalay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya .

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/IC6HHfwNB7Y

COMMENTS
LINKS