”Siyaasad Arrimo Dabadeed Waxa Inoogu Danbaysay Xilligii Riyaale”..Yuusuf Cabdi Gaboobe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
”Siyaasad Arrimo Dabadeed Waxa Inoogu Danbaysay Xilligii Riyaale”..Yuusuf Cabdi Gaboobe
November 24, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) –Guddoomiyaha wargeysa Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa ka hadley siyaasada arrimaha dibada Somaliland isagoona sheegay in loo baahan yahay in loo baahan yahay in Somaliland xooga saarto xoojinta cilaaqaadka ay leedahay wadamada Carabta inta lagu mashquulsan yahay isbedelada ka socda dalalka Geeska Afrika.

Dhinaca kale Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa kale oo uu Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyay in uu booqasho ku tago wadanka Masar si uu qadiyada Somaliland uga soo dhaadhiciyo madaxda wadankaasi.

Waxa kale oo uu sheegay in siyaasadii arrimaha dibadu ay sideedii sano ee la soo dhaafay gaabis ku jirtay, isagoona sheegay in ay xooganayd Siyaasada arrimaha dibada wakhtigii uu xukunka hayay Madaxweynihii hore Somaliland Dahir Riyaale Kaahin.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS