Shiinaha iyo Mareykanka oo Ka Wada Hadlay Sidii Loo Qaboojin Lahaa Xiisadda Ka Dhex Taagan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shiinaha iyo Mareykanka oo Ka Wada Hadlay Sidii Loo Qaboojin Lahaa Xiisadda Ka Dhex Taagan
November 10, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Kulan heer sare ah oo ka dhacay magaalada Washington ayaa waddamada Shiinaha iyo Mareykanka waxa ay ka wada hadleen qaabkii loo qaboojin lahaa xiisadda ka taagan badda koonfurta Shiinaha ee u dhaxeysa ciidamada milatariga labadani waddan.

Mas’uuliyiinta labadani dhinac ku matalayay kulankaasi ayaa sidoo kale aragtidooda kala geddisan ee ku aadan muranka ka dhashay biya-mareenka iyo arrimo, wiigag ka hor inta ayna kulmin hoggaamiyeyaasha labadani waddan.

Xoghayaha gaashaandhigga ee Mareykanka James Mattis ayaa sheegay in Mareykanku ay ka go’antahay in Shiinaha uu ka shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa in gacan ka hadal uu dhexmaro labadooda ciidan.

James Mattis iyo madaxweynaha Shiinaha

Maraakiibta dagaalka ee Shiinaha iyo Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in dhawaan ay ku sigteen in ay isku dhacaan gudaha biyaha lagu muransan yahay ee badda koonfurta Shiinaha.

James Mattis ayaa ugu baaqay xukuumadda Beijing in ay maraakiibteeda dagaalka ka taxadarto isla markaana ay la yimaado dhaqan wanaag.

Dhiggiisa Shiinaha ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday muhiimadda xidhiidh wanaagsan oo dhexmara milatariga labadani dal, balse waxa uu Mareykanka ku dhaliilay in maraakiib iyo diyaarado dagaal uu soo dhoobo meel u dhow jasiiradaha ay sheegato Shiinaha.

Labada dhinacba waxay ka hadleen baahida loo qabo iskaashi dhexmara Shiinaha iyo Mareykanka, waxa ayna sheegeen in ay u gogol xaadhayaan kulan dhexmari doona hoggaamiyeyaasha labadani dal.

Balse sidoo kale waxay soo hadal qaadeen arrimaha kale ee ay isku khilaafsan yihiin sida muranka dhanka ganacsiga iyo dhibaatada ay dowladda Shiinuhu ku hayso muslimiinta dalkaasi ee laga tirada badan yahay.

 

Source: BBC Somali

 

COMMENTS
LINKS