Shaqaale Caafimaad oo Shil Ku Dhintay Dowlad Deegaanka Soomaalida | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaqaale Caafimaad oo Shil Ku Dhintay Dowlad Deegaanka Soomaalida
November 24, 2018 - Written by Reporter:

Jig Jiga (WJN)- Ugu yaraan afar qof oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku dhintay shil ka dhacay waddada u dhaxeysa magaalooyinka Qabribayax iyo Jigjiga.

Shaqaalaha oo ahaa saddex rag ah iyo hal dumar ah ayaa ka yimid Dagmada Guunagado oo ay ka wadeen baadhitaan la xihiidha Nafaqa darrada hooyooyinka iyo carruurta.

Shilka ayaa dhacay kaddib markii ay hawshoodi shaqo soo guteen, waxaana durbaba lagu aasay xabaalaha buurta-Kaara-Mardha ee magaalada Jigjiga.

Shilalka oo baryahan kusoo batay deegaanka

Cabdisalaan Yuusuf Ibraahin oo ah madaxa baadhista shilalka gobolka faafaan ayaa BBC-da u sheegay in shilka uu ka dhashay kaddib markii baabuurkii ay la socdeen shaqaalaha caafimaadka uu si xowli ah ku socday isla markaasna darawalkii baabuurka uu lumiyay kontroolka.

Wuxuu intaasi ku daray in darawaliinta qaar aysan haysanin sharciga ay ku kaxeeyaan baaburta ee dowladda siiso qofka sida habsamida leh u bartay dhammaan shuruucda waddooyinka iyo kaxeynta baabuurta.

 

COMMENTS
LINKS