Seddex Qarax oo Muqdisho Ka Dhacay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Seddex Qarax oo Muqdisho Ka Dhacay
November 9, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Seddex qarax oo ah gawaadhi waxyaabaha qarxa lagu guray ayaa la sheegayaa in ay goor dhawayd ka dheceen isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada midkood ayaa la sheegayaa in gaadhigii siday uu ku dhuftay Hotel Saxafi oo hore loo weeraray.

Qarax kale ayaa isna ka dhacay inta u dhaxaysa Hotel Saxafi iyo xarunta CID oo hoteelka ka soo hor jeedda.

Hotel Saxafi dhabarkiisa waddo yar oo marta ayaa la sheegayaa in uu qaraxa seddexaad oo isna gaadhi saarnaa uu ka dhacay.

Meelo fogfog ayaa laga arkayaa uurada qaraxyada

Waa markii ugu horraysay ee seddex gaadhi oo qaraxyo sida mar qudha lagu weeraro goob ku taalla Muqdisho.

Weli ma jirto cid sheegatay, lamana oga khasaaraha inta uu gaadhsiisan yahay, waxaase dad goobjoogayaal ah ay sheegayaan in la arkayo gaadiidka giurnadka degdegga oo dhaawacyo daad guraynaya, Waxaana la sheegay in rasaas laga maqlayo halka ay qaraxyadu ka dheceen.

COMMENTS
LINKS