|
|||||
WAJAALE NEWS
“Sacad Cid Waliba Way Ku Dhaami Kartaa Arimaha Dibadda Meel Uu kaga Roonaa Qorshayntu Ma jirto”Cali Guray.
November 10, 2018 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Siyaasi Cali Maxamed Yuusu (Cali Guray) oo kamida masuuliyiinta xisbi Xaakimka kulmiye ayaa ka markhaati kacay fadhiidnimada siyaasada wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland sacad cali shire oo maanta madaxwayne biixi ubadalay wasaarada maaliyada. Siyaasi cali guray ayaa sheegay in wasaarada arimada dibada sacad cali shire ay cidwalba ku dhaanto hogaaminteeda isagoo dhanka kalena tilmaamay in wasiirka sacad cali shire ku Wasaarada qorshaynta balse uu ku fashilmay arimaha dibada Dhanka kale cali guray ayaa fariinta udiray dadka ka maqan iskushaandhayntii madaxwaynaha Siyaasi cali guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan; “Sacad cid waliba way ku dhaami kartaa Arimaha Dibadda meel uu kaga roonaa Qorshayntu ma jirto. Laakiin ninankii cadhaysnaa ee ka maqan isku shaandhayntan xaalkoodu ma wuxu noqday” LABADAA RIDDOBA REERKAYGA MAYSU WADA RAACDAY
SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALIGURAY) COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|