|
|||||
WAJAALE NEWS
Ruushka oo Ku Guuldareystay Hoggaaminta Booliska Adduunka ee Interpol
November 21, 2018 - Written by Reporter:Dubai (WJN)- Booliska adduunka ee Interpol ayaa Kim Jong-yang u doortay inuu noqdo Madaxweynaha Interpol kaddib markii laga hor yimid nin u dhashay Ruushka oo lagu eedeeyay inuu si khaldan u istcmaalay laanta ha’yaddan u qaabilsan xidhidda dadka. Kim oo u dhashay Kuuriyada Koonfureed waxaa uu ku guulaystay codad gaadhaya 194, waxayna arrintani ka dambeeysay markii dalalka xubnaha ka ah Interpol ay kulankooda sanadlaha ah ku yeesheen magaalada Dubai. Wuxuu ka guuleystay Alexander Prokopchuk oo Ruushka u dhashay kaaso la filayay inuu guulaysto. Waxaa jiray walaac ah in Alexander Prokopchuk uu ha’yadda u adeegsan karo in uu ku bartilmaameedsado dadka dhaleeceeya Madaxweynaha Ruushka Putin. Xukuumadda Moscow waxay sheegtay in Alexander Prokopchuk uu sii ahaan doono Madaxweyne ku-xigeenka Interpol. Doorashada booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa imaaneysaa xilli la waayay Madaxweynihii hore ee Interpol, Meng Hongwei kasoo la waayay markii bishii September uu booqasho ku tagey Shiinaha. Xukuumadda Beijing waxay sheegtay in loo xidhay si baadhitanno lagu sameeyo eedeymo loo haysto oo ah laaluush.
Related posts:Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Moahmed Biihi Oo Markale Yimid London Iyo Taageerayasha Kulmiye... "Maxamed Kaahin Wuxu Been Cad Oo Qaawan ka Sheegay farogelinta Xisbigiisu Uu ku Hayo Xisbiga UCID"!!... Daawo; Roobabkii ka Da,ay Deegaanada Gabiley Oo Khasaare Xoogan Soo Gaadhsiiyay jidka isku Xidha ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|