|
|||||
WAJAALE NEWS
Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
November 26, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)- Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey degmaada Wadajir ee magaalada Muqdisho Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob Suuq Qaadka lagu iibiyo ah, islamarkaana laga raro gaadiidka oo ay xiligaa ku sugnaayeen dadweyne aad u faro badan. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaadhi wadada la dhigay uu qarxay abaarihii duhurkii, waxaana laga cabsi qabaa in khasaare kala duwan uu dhaliyay. Wararka ayaa intaa ku daraya in gaadiidka gurmadka degdega ay goobta gaadheen, sidoo kale waxaa goobta qaraxa ka dhacay tagay ciidamo ka tirsan kuwa Amniga Soomaaliya. Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ahaa mid si xooggan looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa imanaya xili magaalada Gaalkacyo subaxnimadii hore ee saaka ay ka dhaceen Qaraxyo culus oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux.
Related posts:DAAWO; Safiirka Dalka Sweden U Fadhiya Somaliland Oo Si Qoto Dheer Ula Dardaarmay Shacabka Gobolka G... Mid Kamid Ah Tiirarkii Dhalinyarada Berbera Cabdikhaaliq Awal Bari Oo Ku Dhawaaqey In Uu Ku Biiray X... Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ka Sheekeeyay Kaalintii Marxuum Ibrahim Maygaag Samatar Ka Soo Qaatay Dib U ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|