Qabiilka ugu tirada yar adduunka oo dilay nin Maraykan ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qabiilka ugu tirada yar adduunka oo dilay nin Maraykan ah
November 22, 2018 - Written by Reporter:

Muwaadin u dhashay dalka Maraykanka ayaa waxaa dilay dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin qabiil laga cabsi qabo in uu dabar go’o oo ku nool jasiirada Nicobar ee dalka Hindiya

Booliska ayaa sheegay in xabsiga la dhigay toddobo qof oo ka mid ah kalluumaysatada sida sharci darrada ah ninkan u geeyay jasiirada North sentinel oo hoy u ah qowmiyadda la gacan bidxeeyay ee Sentinel.

In la booqdo jasiiraddan ayaan la oggolayn, sidoo kale waxaa la mamnuucay in xidhiidh lala sameeyo qabiilkan

Qabiilka Sentinel oo guud ahaan tiradoodu ay ka yar tahay 50 qof ayaa waxaa caado u ah inay weerar ku qaadaan cid walba oo u soo dhawaata jasiiradda ay ku nool yihiin.

Warbaahinta maxalliga ee dalkaasi ayaa sheegtay in John Allen Chau oo u dhashay dalka Maraykanka uu doonayey in uu gaadhsiiyo diinta masiixiga ah dadka ka soo jeeda qabaailkaas.

”Booliska ayaa sheegay in Mr Chau uu horay u booqday jasiirada waqooyiga Sentinel ku dhawaad afar ilaa shan jeer, waxaana halkaasi geeyay kalluumeysatada deegaanka” Subir Bhowmik ayaa sidaasi u sheegay BBC-da.

Qabiilka Sentinel oo guud ahaan tiradoodu ay ka yar tahay 50 qof ayaa waxaa caado u ah inay weerar ku qaadaan cid walba

”Tiro ahaan dadka ka soo jeeda qowmiyaddan Sentinel waa kuwo aad u yar, xitaa ma fahamsana qaabka loo isticmaalo lacagaha. Waxaa sharcidarro ah xitaa in wax xidhiidh ah lala sameeyo.”

Sannadkii 2017-kii, dowladda Hindiya waxay sheegtay in mamnuuc ay tahay in sawirro ama muuqaal laga duubo dadka ka soo jeeda qabaailka Andaman, waxayna dowladdu sheegtay in arrintaasi ay horseedi karto ciqaab iyo xabsi gaadhaya ilaa saddex sano.

Wakaalada wararka ee AFP ayaa soo xigatay ilo wareedyo sheegaya in Mr Chau uu isku deyay in uu booqdo jasiiraddan 14kii Noveembar oo ay u suura geli wayday balse waxaa uu haddana isku deyay labo maalmood kadib.

”Waxaa lagu weeraray falaadho balse socodkiisa ayuu sii watay, kalluumeysatadana waxay arkeen dadka qabaailkan ka soo jeeda oo xadhig qoorta uga xidhaya, waxayna dhulka ku jiideen meydkiisa. Cabsi daraadeed ayayna lasoo carareen’,’ warbixinta ayaa intaasi ku dartay.

Meydka Mr Chau ayaa waxaa la helay 20-ka Nofeembar.

”Waa kiis aad ugu adag booliska” ayuu yidhi Mr Bhowmik. “Xitaa xabsi uma taxaabi kartid dadka kasoo jeeda qowmiyadan sentinel”.

Hay’addo badan oo caalami ah, sida hay’adda fadhigeedu yahay London ee Survival International ayaa u ololeynayay sidii loo badbaadin lahaa qabaa’ilo kala duwan oo jasiiradaha ku noolaa in ka badan 60 kun oo sano.

Labada qabiil ee looga cabsi qabo inay dabar go’aan ee ku nool jasiiradaha sida qabaa’ilka Jarawa iyo Sentinel oo ah dad noloshooda ay ku xidhan tahay ugaadhsiga duurjoogta iyo midhaha dhirta, ayaa haddii ay wax xidhiidh ah la sameeyaan dadka dunida ku nool waxay ka cabsi qabaan in cudurro ay ku dhacaan.

Qabaailka sentinel ayaa ah dad aad u nugul, go’doonka ay ku jiraanna wuxuu ka dhigay kuwo aan adkaysi u lahayn cudurrada qaar sida hargabka iyo jadeecada.

 

SOURCE: BBC SOMALI

COMMENTS
LINKS