Muranka Komishanka ma ah in doorasho loo qaban kari wayo, dalkana khal khal loo geliyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muranka Komishanka ma ah in doorasho loo qaban kari wayo, dalkana khal khal loo geliyo
November 10, 2018 - Written by Reporter:

Muranka komishanka doorashada ma istahisho in doorashada caqabad u noqoto. Cid kasta oo caqabadaysa in doorasho dalka ka dhacdo, waxaan qabaa in ay dalka iyo dadka danbi ka galayaan. Doorashada oo dhici wayda ama dib u dhacdaa waxay magac xumo ku tahay dimuqradiyada iyo higsiga ay Somaliland 27 sano hiigsanaysa in ay noqoto dal Ictiraaf calamiya hela. Qofka ama xusbiga doonaya inuu Somaliland badbaadiyo waa inuu doorashada sida u dhici lahayd ka shaqeeya, kana qayb galo doorashada isaga oo danta shakhsi ama xusbi ka hor marinaya ta dadka iyo dalka.

Xusbiyada mucaaridku waa in ay fahman in ay dimuqradiyada tahay safar dheer (democracy is long journey). Doorasho kaliya aan lagu gaadhayn wax aad wada rabtid oo dhan. Siyaasiga dhabta ah waxuu muuqda marka uu guul daraysto.

Tusaale ahaan, marka uu Madaxwayne Axmed Siilanyo 80-ka cod laga helay doorashda. Waxuu ummada tusay inuu dalka iyo dadka danaynayo, waxaanu si sharafle u haneyay doorashada. Haddaba, haddii aanu doorashada aanu hanayn lahayna waxaan qabaa in aanu doorashadii danbe ku guulaysteen. Marka, mucaaridka Somaliland waxaan kula talin lahaa in ayna ka qancin in ay doorasho kale ka qayb gashan. Waa in ay dib iskugu noqdan kana shaqeeyan siday dadka ka-codeeyay u soo jiidan lahaayeen, doorashadu in ay dalka ka dhaco ka hawl galan.

Dadka Somaliland waa u diyaar doorashada, qofkii doonaba ha ku guulayste.

Haddaba, haddii komishanka la badalo ama labada xubnood lagu kordhiyo waxa isbaddala ma ku keenayaan natiijada doorashada? Jawaabto waa MAYA.

Waayo, komishanka shaqada ugu wayn ee uu qabtaa waa inuu ku dhawaaqo natiijada doorashada. Komishanka doorashadu ma tiriyo codadka doorashada, ee isku gaynta codadka lagu soo tiriyay gobaaha ayuu ku dhawaaqa. Shaqada kale ee uu qabto Komishanku waa inuu soo dabaco waraaqaha lagu codaynayo iyo in ay qortaan muraaqibiinta goobaha codaynta uga shaqaynaya. Muraaqibiinta waxaa laga qortaa ardayda jamacadaha. Ardayda imtaxaanka ugu sareeyana ayaa loo tababaraa siday doorashada uga shaqayn lahaayeen.

 

Haddaba, komishanka doorashada ee hawshooduba sidan u kooban yihiin, ma ah in doorashada dalka ka dhacdi doonta caqabad looga dhigo. Haddii xal la doonaya waa in lagu xoojiyo ‘oversight committee’ ama guddi ay saddexda xusbi ku wada qanacsan yihiin. Gudidani oo la shaqeeya komishanka doorashooyinka, dushana kala socda hawsha ay qabayaan komishanku iyo go’aamada ay gadhayaan. Isla markana, xaliyacabshooyinka xusbi/xusbiyo qabaan.

Teeda kale, dadka ku doodaya komishankii 2009-kiiba waa la badalay, ee kuwana waa in la badalo. Marka laga yimado sababta madaxwaynaha iyo xusbigiisu u diidan yihiin in la badalo. Komishaka 2009-kii samaynta uu doorasha ku lahaa iyo samaynta uu komishankaniku leeyahay way kala duwan yihiin.Komishankii 2009kii, shacabka Somaliland ma ay haysan kadhka ay ku codaynayaa (Voter ID card). Lakiin iminka qofkasta oo codaynayaa waxaa uu haysta kadhka uu ku codaynayo, isla markana goob kasta waxaa yaala liiska dadka ka codaynaya goobtaasi. Warqada lagu codeeyo (Ballot papers) iyo dadka ka codaynaya goobkasta way is leg yihiin. Lakiin, 2009-kii warqadaha lagu codaynayo goobkasta ma ay tirsanayn, dadkuna dhawr goor ayay codaynayeen. Marka Komishanka hawsha uu wakhtiga qabanayay samaynta uu doorashada ku lahaa way ka wayneed samaynta komishanka iminka jooga.

Somaliland waxay u bahan tahay in xal wara laga gaadho muranada macno darada ah ee soo noq noqanaya. Haddaba, arintani komishanka doorashada waa nabar u bahan in sida ugu dhakhsaha badan loo dhayo. Xusbiyada mucaaridku haddii ay danaynayaan in xal waara arintani iyo kuwa kale laga gaadho, waa in ay ka hawl galan sida nabarkani iminka loo dhayi lahaa, si doorashadu inoogu qabsoonto. Marka, xubno Golaha Wakiilada oo ka badan xubnaha ay ku leeyihiin Golaha Wakiilada la doortana, ay ka hawl galaan xalka.

Somaliland waxay qadatay habka dimuqradiyada, sida daraadeed, sida kaliya ee qof ama xusbi uu dalka ku hogaamin karaa waa inuu doorashada ka qayb galo.

Doorashadan labada gudoomiye ee xusbiyada mucaridku musharaxiin ma ah. Sida daradeed, waa in ayna iska hor tagin dadka xusbigooda ka tirsan ee doonay in ay doorashada Golaha wakiilada iyo deganka ka qayb galaan. Waxaa laga yaaba in musharaxiinta ka tartamaya xusbiyadoodu ay guul soo hooyan. Doorashadii madaxtooyada ee komishankani qabteen, labada xusbi mucaarid waxa u-codeeyay 50% ama kala badh codadkii la dhiibtay. Waxaan qabaa haddii doorashadani uu komishanka qabtan in codadka ay ka badsadan mooye in ayna ka yaraysanaynin. Taasina waxay ka dhigan tahay in labada xusbi mucaarid ay dalka la maamuli doonaan xusbul xaakimka (ama Xusbiga Kulmiye).

Dastuurka Somaliland waxaa uu dhigayaa, duruufo adag awadood in doorashada dib loo dhigi karo. Duruufaha adag waxaa ka mid ah:  dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, cudurrada faafa, abaaro culus. Durafahani Illahay inaguma keenin, lakiin muranka xusbiyada iyo xukumada yaanay inagu noqon aafo kale oo dhoorashada loo qaban karo wayo.

Haddaba, haddii muranka xusbiyada iyo xukuumada la so af-jari waayo, waxaa dhacaya xil gudasho la’aan xukuumada iyo xusbiyada mucaaridka Somaliland ay sababeen.

Marxaladani Somaliland ku jirta waxay la mid tahay:

Bas laba magalo u kala safra, oo rakaabkiikiraystay ay saran yihiin. Inta aanu baska ka dhaqaaqin istanka,ay is qabsadeen dirawalkii iyo kal kaaliyihiisii. kal-kaaliyihiifurihiilagu is-tadhayaybaska uu jeebka gashaday. Markarakabku waydiiyan waxa loo dhaqaaqi la’yahay. Dirawalku u sheego in furihii baska la layahay. Kal-kaaliyuhuna u sheegoin darawalku baska ka masuul yahay, haddii baskudhaqaqiwaayana ay dirawalka qabsadan.

Haddaba, murankani macna darada ah lama sii daawan karo, ee waa in doorashada la qabto.

Waa in labada doorashe ee is barkan la kala qaado, doorashada golaha degankasanadka soo socda la qabto. Doorashada Golaha Wakiiladana sanad dib loo dhigo. Ururada siyaasada la furo, si doorashada deganka ay ururada siyaasada iyo xusbiyada siyaasadu ku tartaman. Saddexda urur/xusbi ee soo baxana ay sida ugu gudbaan xusbiyo qaran.

URUR SIYAASADEED / XUSBI QARAN

Sababta aynu xusbiyada u samaysanay waa in aynu kaga baxno qabyalada. Haddaba, Xusbiyadeenu waxay ka kori la’ yihiin qabyaladdi. Xusbiyada siyaasada ee Somaliland lama odhan karo waa XUSBIYO QARAN, lakiin waa XUSBIYO BEELEEDYO. Qaran iyo Qabyaladna dal kama wada jiri karaan, ee mid ayaa adkaata, inta badana qabiilka ayaa gacanta sare leh. Haddaba, haddii qabiilka wax laga qaban Qaran ama dal Somaliland la yidhaa jiri mayo.

Sida daradeed, xusbiyo beeleedyo ma qaban karaan shir qaran, ama shir talo-qaran. Teeda kale, nin siyaasiya oo kursi dooni xalka dalkani ma gaadhi karo.

Haddaba, si loo helo ururo/xusbiyo qaran, waa in marka hore ‘amendment’ lagu sameeeyan xeerka 14 (xeerka Nidaamka ururada iyo Axsaabta Siyaasadda), si xusbiyada siyaasada waxii laga rabay looga gaadho.

Haddaba, ururada siyaasada ee doonaya in ay ka qayb galan doorashada golaha deganka waalagu xidho labadan qodab:

  • In ay lixda gobal iska diiwan galiyaan, ugu yarana 10% dadka kadhadhka codaynta haysta u diiwan gashan yihiin. Dadka aan qadan kadhadhka codaynta, ee doonaya waa in la diiwan galiyo.
  • Waa in jagada gudoomiye urur/xusbigu uu wareegto noqdo, oo bil kasta qof gudoomiyo urur/xusbigu noqdo. Isla markana waa in aanu musharax madaxwayna noqon karin muda uu xil gudoomiyaha hayo. Haddaba qofka gudoomiya urur/xusbi-kastanoqonayaa waa in ay:
  1. Ka koobnada 12 qof, oo ka soo jeeda lixda gobal doorasho (laba xubnood gobalkiiba). Ama
  2. In ay ka koobnado 18 qof oo ka soo jeeda lixda gobal doorasho{saddex (3)xubnood oo ka soo jeeda beelaha gobalka dega}.

Bisha uu qofkast gudoomiye noqonayo waa in isagu dooran, ee si bakhti yaanasiiban ku helaan. Tusaale ahaa: Qoralka 12-ka (ama 15-ka) bilood ayaa lagu ridayaa sanduuq, marka mid kasta bisha uu la soo baxo ayuu gudoomiye xisbigiisa noqonayaa.

Haddaba, tani waxaa soo af-jaraysaa ururka/xusbiqof ama beeli/beelo leeyihiin.Sida daradeed, waa in labadani qodabururkasta fuliyo inta aan loo ogalaan doorashda golaha deganka.

Gaba gagabadii, Somaliland uma bahna yooyaaltan joogta ah, waxa halka ina dhigay waa siyaasiyiin is-ku sheega Somaliland. Jiilkii siyaasiyiin ee inoo kacaba, waxay noqdeen dad iyagu is haysta oo car iyo car ka tahay. Waxaa noqdeen dad gar qaadan oo meesha ay qabsan ay tahay in loo goyo. Waxaa noqdeen dad aan ka fakirin danta dad iyo dalka, ee kursi u muuqdo.

Haddaba, lixdan sano ka hor siyaasi isku-sheegii inoo kacay, marka taladoodu dhafi wayday waa kuu taliya iyo ii talin maysid, ayay xoriyadeena iyo qaranimeeni galaafteen, waxayna xoriyadii aynu gumaysiga Ingriiska ka qaadanay ka tuuran Xamar.

Dib-u-xorayntii dalkeena, xasuuq, bara kac iyo burburkii magaalooyinkeeni u gaysta kaligi taliyihii Siyaad Bare. inaga oon maydkii cadawgu xasuuqay aasin ayay isku keen dul qabsadeen.

Haddaba, ummadani jahawareerka siyaasadeed kuma sii jirayso, waana la idin ka tashanayaa. Ummadana badbaado idin kama bahna ee waxay idinka bahan yihiin in aad xal keenta. Haddii kale, waa in aydun shaqo kale doonataan ood ummadan, nabada ay ku fara adaygeen iyo hantida Illahay ogyahay sida ay ku heleen faraha uga qaada.

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!

OMAR A YOUSUF

OAKLAND, CALIFORNIA

Email: omaryousuf455@gmail.com

COMMENTS
LINKS