Mugdi Soo Galay Qabsoomidda Doorashada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mugdi Soo Galay Qabsoomidda Doorashada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya
November 6, 2018 - Written by Reporter:

Baydhabo (WJN)- Iyadoo wakhtiga loo qorsheeyay iney dhacdo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed ay ka hadhsan yihiin 11 maalmood oo qudha ayaa waxaa cirka isku shareeray xiisado hadheeyay suurtagalnimada iney doorashada qabsoonto xilligii loogu tala galay.

Guddoomiyihii guddiga doorashada Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan ayaa iska casilay xilalkoodii, ka dib markii sida ay sheegeen ay howshooda ka qabsan waayeen “faragalin ay ku eedeeyeen dowladda federaalka”.

Shir jaraa’id oo is casilaaddaas looga dhawaaqayay ayaa waxaa xalay Baydhabo ku qabtay Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan oo ay wehlinayeen xubno kale oo uu ka mid yahay afhayeenka guddigaasi.

Waxa ay dhaliil culus u jeediyeen madaxda dowladda federaalka oo ay ku eedeeyeen iney “magaalada Muqdisho u kaxaysteen dhammaan xildhibaannadii baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed”.

Tallaabadan ayaa sida muuqata dhabar jab weyn ku noqonaysa qabanqaabada iyo diyaar garowga doorashada madaxweynaha oo ay ku tartami doonaan murashaxiin fara badan oo saameyn siyaasadeed ku leh gobolka.

Guddiga doorashada ayaa musharraxiinta qaarkood siiyey shahaadooyinkooda ka hor intii aysan qaarkood is casilin

Cabsida ugu weyn ee arrintan laga qabo ayaa ah iney qabsoomi weydo doorashada oo loo asteeyay 17-ka bishan November, oo markii maanta laga reebo ay ka hadheen 10 cisho oo kaliya.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya “ayaa fartay madaxda maamul goboleedka Koonfur Galbeed iney doorashada maamulkaasi dhacdo xilligii loo asteeyay oo ah 17-ka bishan November” ayaa lagu yidhi hadal kasoo baxay wasaaradda.

Jawaabta golaha maamul goboleedyada ay ka bixiyeen is casilaadda guddiga

War saxaafadeed ay hoggaanka golaha maamul goboleedyada ka soo saareen xiisaddan ayay uga hadleen dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen;

– Iney si buuxda u taageereen tallaabada is casilaadda madaxda iyo xubnaha guddiga doorashada, ayagoo dhinaca kalena sheegay in “faragelin lagu hayo doorashada”.

Iyo inay dowladda feredaalka ku eedeeyeen iney “faragalin qaawan ku heyso siyaasadda iyo howlaha doorashada ee la xidhiidha maamul goboleedka Koonfur Galbeed”.

Hore ayay afarta maamul goboleed ee kala ah Koonfur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ugu heshiiyeen inay xidhiidhka u jaraan dowladda federaalka, waxayna wali ku adkeysanayaan mowqifkooda.

Doorashada dib ma u dhici kartaa?

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa aragti ahaan qaba in burburka guddiga doorashada uu saameyn ballaadhan ku yeelan karo qabsoomidda doorashada, ayna macquul tahay in uu hakad galiyo qabanqaabada doorashada.

Qaarkood waxay sheegeen in xitaa arrintan ay horseedi karto dib u dhac doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ku yimaada muddo dhowr bilood oo dambe ah, maadaama ugu horreyn loo baahan yahay in la dhiso guddi hormuud ka noqda howlaha doorashada.

Cabdirashiid Khaliif Xaashi, oo ah agaasimaha machadka cilmi baadhista ee Heritage ayaa BBC-da uga warramay waxa ay is casilaadda guddiga doorashada Koonfur Galbeed ka dhigan tahay.

“Meeshaas waxaa laga sugayay doorasho, waxaana la rabay iney noqoto mid si sharaf leh u dhacda oo shacabka galisa yididiilo, laakiin waxaa ka jira is-dhex-yaac badan, taasina waa mid dhibaato ku ah shacabka. Soomaaliya waxaa ku badan siyaasiyiinta isbarbar yaaceysa, wuxuuna dalku u baahan yahay hoggaamiyeyaal u gurmada shacabka ay marna abaaruhu dhammeynayaan marna muranka siyaasadeed dhexda uga jira” ayuu yidhi Cabdirashiid.

Agaasimaha Heritage ayaa sidoo kale sheegay iney waxyaabo badan ka khaldan yihiin habsami u socodka doorashada; “Hannaanka wax ku socdaan oo dhan ma qurux badna. Waa doorasho la isbaacsanayo oo lacago la isku wada eedeynayo. Qaarkood waxaa lagu eedeynayaa iney dowladda dhexe lacago ka soo qaateen. Marka waxaasoo idil waxay nuxurka ka dilayaan doorashada, waxayna sharafta ka qaadeysaa dadkii laga rabay iney soo doortaan hoggaamiyeyaal u daneeya shacabka”.

Dowladda dhexe ma muquunin kartaa doorashada Koonfur Galbeed?

Tan iyo markii uu sii xoogeystay ololaha doorashada gobolkaas waxaa soo baxayay warar sheegaya iney jiraan lacago lagu bixinayo qaar ka mid ah murashaxiinta, ayadoo dowladda dhexena lagu dhaliilay iney si toos ah u garab taagan tahay murashaxiinta qaarkood, hase ahaatee BBC-da si rasmi ah uma xaqiijinin arrimahaas.

Cabdirashiid Khaliif ayaa ra’yi ahaan qaba in dowadda dhexe ay leedahay awood ay ku sameyso maamul ay raali ka tahay.

“Dowladdu iney musharaxiin wadato arrin qarsoodi ah ma aha. Iney dad taageersan tahay ceeb ma aha laakiin ma aha iney awooddeeda dul dhigto gobolkaas iska nugul. Haddii ay awood adeegsato way suurta galin kartaa in maamulka loo dhiibo cid walba oo ay iyadu rabto, taasna wax aan khasaare ahayn kama faa’iideyso. Dowladda dhexe si ay sumcad uga kasbato caalamka waa iney yeelato bisayl siyaasadeed, sidii horeba Aadan Cadde loogu yaqaannay”.

Dhanka kale, Magaalada Baydhabo ayaa wakhti xaadirkan la ciir ciireysa ololaha siyaasadeed ee ay sameynayaan shakhsiyaadka danaynaya doorashada, taasoo aan imika la hubin in wakhtigeedii ay ku qabsoomi doonto iyo in kale.

COMMENTS
LINKS