|
|||||
WAJAALE NEWS
Mucaaradka iyo Xukuumadda Itoobiya oo Uu Shir Furmay
November 27, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maanta ka furmay shir ay leeyihiin mucaaradka iyo xukuumadda, waxaana looga hadlaya arrimaha ku saabsan doorashada 2020-ka ee dalkaasi ka dhici doonto. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo kulanka soo qabanqaabiyay ayaa sheegay in kulanka ay uga hadlayaan sidii doorashada caddaalad ah, xor iyo nabad ah u dhici lahayd. Shirka oo hadda socda waxaa la filayaa inay kasoo saaraan qodobada doorashada oo wax ku ool ah oo ay isku afgartaan mucaaradka iyo dowladda Itoobiya. Kulanka waxaa ka qeyb galaya ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo hoggaamiyeyaal mucaaradka ka socda. Abiy Axmed ayaa madaxda mucaaradka kala hadlaya sidii loo sii xoojin lahaa isbadallada horumarineed ee dalkaasi ka socda.
Related posts:“Abiy Axmed Wuu Deg Degayaa Meeshana Uu Ku Cusub Yahay, Itoobiyana Siday Wax Uga Dhashaan..”Eng Maxa... Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay In Farmaajo Imanayo Hargeysa iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay Wasiirka Arr... DAAWO; Raysal Wasaaraha Dalka Findland Oo ka Qaybgaley Xuska 18may Oo Lagu Qabtey Caasimada Dalkiisa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|