Mayorada Magaalooyinka iyo Goleyaasha deegaanada dalka ma waxa loo doortay horyaaca iyo raali gelinta madaxweynaha….? !!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mayorada Magaalooyinka iyo Goleyaasha deegaanada dalka ma waxa loo doortay horyaaca iyo raali gelinta madaxweynaha….? !!!
November 21, 2018 - Written by Reporter:

Somaliland 27 kaa sanadood ee ay jirtayba waan dhex joogay, hal dhaqan ayaan aad ula yaabaa oo ah guulwadaynta, horyaaca, istuska iyo iska dhaadhicinta Madaxda iyo masuuliyiinta sare ee dawlada sida Madaxweynaha. !!!

Magaalo kastaa waxa ay ka kooban tahay laba magaalo oo isku hoos nool oo isku dulman, indhaha masuuliyiinta iyo madaxdu waxa ay arkaan quruxda badan ee loogu talogalay in ay arkaan laakiin xaqiiqada magaalo kasta taalla iyo dayaca yaalla waxa aad ka garanaysaa marka aad tagto xaafadaha qarsoon oo ah danyarta, masaakiinta iyo waliba dibjirka daryeel waayey halka ay ku nool yihiin.

Waxa aynu ka dharagsanahay waxa loo yaqaano danta guud in aynu u daranahay shicib iyo madaxba, waxa aad isweydiisaa Somaliland oo 27 sanadood jirta magaalo kastaa 5 ama 6 goor ayey ka weyn tahay sidii ay ahayd 88kii, xaafadaha cusub looma qorshayn garoono kubadeed, goobo caafimaad, goobo lagu cibaadaysto, goobo wax lagu barto, xarun police iwm.

Magaalo kasta isaga oo qashinka, wado xumaanta, nadaafad darrada iyo hagrashada gudaheega taalla aad yaabayso iyo nooca ay tahay oo aad is odhanayso malaha magaaladan kuwii loo doortay ma noolla oo dhamaantood way inaga hooseeyaan marka aad eegto nooca ay tahay iyo foolxumo dhex yaalla.

Ayuun baad arkaysaa maalin wadooyinka la xaadhayo, la rushaynayo waxqabad degdeg ah la samaynayo iyo dhismayaal hore loo dayacay, marka aad iswaydiiso ee aad dadka waydiiso tolow maanta maxaa jira ayaa lagu odhanayaa wafti baa soo socda ama madaxweynihii ayaa soo socda.

Magaalooyinka Somaliland inta maalinta Madaxweynuhu ku soo socda laga qabto waxqabad iyo diyaar garow ee laamiyada la xaadho, ama mashaariic dhagax la dhigo ama balanqaad umada loo sameeyaa ciidaasi ayey ka badan tahay, waxa aad arkeysaa dardar aanad hore u arki jirin.

Tusaale ayaa waxa aan u soo qaadanayaa in shaqada loo fahmay in madaxda uun la iska dhiso; Madaxweynihii hore ee Somaliland Ahmed Mohamed Mohamoud Siilaanyo markii sidaa loo doortay ayaa isla markiiba laami qurux badan ilaa gurigiisa ilaa wadada la isku soo xidhay oo u jirta ilaa 50 mitir awalna ahayd wada godad iyo boholo ah.

Waxa Tusaale labaad ii ah laamida Guriga Madaxweyne Muuse Biixi la dhigay maalmo yar gudahood markii qaranka loo doortay, isaga oo awal ay gurigiisa hortiisu ahayd jarar kala dhaadheer oo dirqi gaadiidku ku maro xaqna u lahaa in loo sameeyo.

Somaliland badankeeduna waa la mid marka laga reebo magaalo iyo maayaro tirayar oo iyagu waajibaadkoodii intii awoodooda ahayd qabtay ama isku dayey itaal meel uu dhigaba, kasbadayna quluubta dadkooda iyo deegaanada ay ka soo jeedaan.

Haddaba waajibaadka goleyaasha deegaanada loo doortay maaha in ay raaligaliyaan iyo isku muujiyaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta dawladda dhexe, ee waa in ay raali galiyaan shacabka soo doortay ee u doortay in ay u adeegaan baahiyaha iyo in ay danaha guud wax uga qabtaan.

Waxaaba suuragal ah in maalintaa uu Madaxweyne soo socdo la raafo masaakiinta, dibjirka iyo inta aanu shaadhkoodu muuqanayn ee dayacan sidii dawladii kalitaliska ahayd iyada oo laga qarinayo waaqica madaxda meesha maraysa iyo caalamka.

Waxa aan xasuustaa maansadii Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac ( Gaariye ) ee ahayd Kabacaseeye Ceelgaabta joogta, waxa uu yidhi ; waxa aan arkay inankii yaraa ee kabaha ii baalashaynayey oo keyrkayraya isla markaana baala daymoonaya markaasaan ku idhi buu yidhi maxaa kugu dhacay adeer.

Inankii yaraa wuxuu yidhi wafti baa imanaya baa la yidhi oo waa nala xidhayaa hadii meelahan nalagu arko !, maalmahaasayna anaga noogu daran tahay, Markaa muqdisho waxa lagu qabanayaa shirkii midawga Africa oo wufuudii Africa ayaa qulqulaysa.

Garo oo waxa la qarinayaa nolosha dhabta ah iyo waaqica jira oo lama ogola mid yar cawlan danyare iyo masaakiin ah, si aanay u arag waftiyada meesha marayaa, waana garasho halkii ugu liidatay dhaqanka noocaas ahi, waxaana uu Abwaanku ka sameeyey maansada la yidhaahdo Kabacaseeye Ceelgaabta joogta.

Muhiimadu waxa ay tahay in aad dadka ku soo doortay waxii ay kuu doorteen garanayso oo wax ka qabato, maanta magaalo kasta inanka dhalinyarada ah ee waayey garoon uu kubad ku ciyaaro, dugsi uu waxbarasho ka helo iyo daryeel waxa uu qarankiisa uga baahnaa markii uu waayey waxa ay noqdeen wax tahriibay iyo wax gidaarada fadhiya.

Ilaahay wadada toosan ha inagu rido

Mohamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS