|
|||||
WAJAALE NEWS
Mareykanka oo cunaqabateyn saaray shaqsiyaad Sacuudi ah+Qorshaha Lagu Ciqaabayo Dalkaasi Oo Uu Wado.
November 16, 2018 - Written by Editor:Hargeisa(W.N):-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabateyn ka dhan ah 17 qof oo u dhashay dalka Sacuudiga, kuwaasi oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen dilka suxufi Jamaal Khaashuqji. Dadka cunqabateynta la saarayo waxaa ku jira Saud al-Qahtani, oo kaaliye sare u ahaan jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, iyo qunsulkii Sacuudiga ee Istanbul Mohammed Alotaibi. “Shaqsiyaadkan bartilmaameedsaday ee sida xun u dilay Jamaal Khaashuqji waa inay wajahaan cawaaqibka ficilladooda” waxaa sidaas bayaan ku yiri xoghayaha maaliyadda Mareykanka Steve Mnuchin. Cunaqabateynta ayaa waxaa la fulinayaa ayada oo la eegayo xeerka caalamiga ah ee la-xisabtanka xuquuqda aadanaha ee Magnitsky, kaasi oo lagu beegsado dadka geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo ficillada musuq-maasuq. Warkan ayaa ahaa mid yaab leh, sababtoo ah Mareykanka inta badan sooma rogo xayiraad ka dhan ah Scauudiga. Dhinaca Kale Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa u codeyn doono sharci lagu ciqaabayo Dowladda Sacuudiga kaasi oo la xiriira dagaalka Yemen iyo dilkii Wariye Jamaal Khaashuqji oo ka dhacay magaalada Istanbul, sida uu sheegay xildhibaan ka tirsan Golaha. “Goluhu waxay u codeyn doonaa ka hor dhamaadka sanadkan, sharci lagu raadinayo in lagu joojiyo dhamaan taageerada Sacuudiga ee dagaalka Yemen” waxaa sidaasi yiri Senator Bob Corker, oo ah guddoomiyaha guddiga xiriirka dibadda ee Senate-ka. Wuxuu sidoo ka sheegay inay suuro gal tahay in mooshin laga keeno u codeynta hanaanka looga hortagayo hubka ay iibiso xukuumadda Riyaad, sida uu xildhibaanka cadeeyay. “Aqalka sare waxay raadinayaan hanaan lagu tusayo Sacuudiga, waxa ku dhacay Wariye Jamaal iyo arinta la xiriira hanaanka ay Yemen la doonayaan”sidaasi ayuu hadalkiisa kusii daray Mr Bob. Dilkii Wariye Jamaal oo dhacay labadii bishii lasoo dhaafay ayaa sare u qaaday walwalka Golaha Senate-ka , sidoo kale waxaa walwalka aqalka kor u qaaday dagaalka Yemen, gaar ahaan dilka dadka rayidka ee ka dhashay weerarada Sacuudiga. Lindsey Graham oo aqalka sare ku matala xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in golaha ay ka doodayeen cunaqabateyn ka dhan ah Sacuudiga, taasi oo ka dhalatay dilkii Jamaal Kashoqji “Maxamed Bin Salmaan waa ruux aan lagu kalsoonaan karin oo aan degeneyn”ayuu hadalkiisa kusii daray Mr Graham. Related posts:DAAWO; Culimada Magaalada Hargaysa Oo Khudbadii Jimcaha Kaga Hadlay Dhibta Uu Leeyahay Dagaalka Ehel... Raysal-wasaare Ku-xigeenka Somaliya Oo Sheegay Inuu Somaliland Iman Karo, Balse Uu Amniga Tixgelinay... Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Oo Laga Soo Saaray Go,aamo Culus Oo La Xidhiidha Cadaawada Maamu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|