Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya oo Ka Soo Horjeestay Isdhax-galka Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya oo Ka Soo Horjeestay Isdhax-galka Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya
November 21, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamed ayaa si adag uga horyimid ololaha siyaasadeed ee ka socda Geeska Africa, gaar ahaan isku soo dhawaashiyaha siyaasadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xassan Sheekh ayaa ku tilmaamay tallaabo lagu deg degayo wakhtigan islamarkaana suurtagal aheyn in Soomaaliya iyo Itoobiya ka midoobaan dhinaca siyaasada, madaama ayuu yidhi Soomaaliya wali dowladnimadeedu bislaanin arintaa iyada ah.

‘’Mida aan maanta la bilaabi karin waa mid siyaasada, maanta annaga iyo Itoobiya siyaasadaan ka midoobeynaa ma dhihi karno wakhtiggeedi ma’aha, dalkan marka uu dego uu dowlad micno leh yeesho oo dowladdiisu dowlad degan oo adag noqoto markaa kaddib waa la odhan karaa bal siyaasada-na aan ka midoowno laakiin hadda ma’aha’’ ayuu yidhi Xassan Sheekh Max’uud.

Laakiin waxaa uu sheegay in dhinaca dhaqaalaha iyo xidhiidhka ganacsiga si taxadar leh looga wada hadli karo, waxaana uu meesha ka saaray in xudduudaha labada dal markiiba leysku furo, iyadoo laga duulayo is dhax-galka ganacsi iyo dhaqaale.

‘’Laakiin tan dhaqaale iyo masaaliixda kale ee ganacsiga wada hadalkeeda waa la bilaabi karaa, taas laftirkeeda ayaa u baahan taxadir iyo in aan lagu soo boodin xudduudihii waa la furay iyo is dhaxgal deg deg ah ’’ ayuu yidhi Xassan Sheekh.

Dhinaca kale ayuu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ka been sheegtay ,islamarkaana korarka dhaqaallaha Soomaaliya uu soo bilowday Sanadkii 2013-kii waxii xilligaasi ka dambeeya sanadba sanadka ka dambeeyay laga sameeyay horumaro kala duwan.

Waxaa uu ku dhaliilay dowladda in ay siyaasadeysay dhaqaallaha dalka, loona baahanaa in dadka Soomaaliya runta loo sheego oo dib loogu laabto kororka dhaqaallaha ee soo bilowday sanadkii 2013-kii.

 

COMMENTS
LINKS