Madaxweyne Muuse Biixi oo Booqday Ciidamada Qaranka Somaliland ee Jiidda Tukaraq Ku Sugan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi oo Booqday Ciidamada Qaranka Somaliland ee Jiidda Tukaraq Ku Sugan
November 24, 2018 - Written by Reporter:

“Shaqada la Isku Wada Raacsan Yahay Ee Laga Yaabo Inaanay Dheef  Badan lahayn, Laakiin Karaamo Iyo Ixtiraam Iyo Duco loo Hayo, Halka Ugu karaamada Badan Ee Ummadda Oo Dhammi Isku Raacsan Tahay Waa Ciidamada Qaranka, Waayo Ciidamadu Waa Astaantii Qaranka.” Madaxweyne Muuse Biixi

Tukaraq (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarrada shaqo ku maraya gobollo kamid ah dalka Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tegay fadhiisimada ciidamada qaranku ku leeyihiin Jiidda Aagga bari ee magaalada Tukaraq.

Biixi21

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan taliyaha ciidanka qaranka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, taliyaha ciidanka Booliska, Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo maamulka gobolka Sool, ayaa ka hor intii aanay gaadhin jiidda hore ciidamada qaranka, waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Tukaraq, iyaga oo u gudbay fadhiisimaha waaweyn ee magaalada dhinaca Bari kaxiga, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha iyo saraakiil-ku-xigeennada talisyada kala duwan ee qaranku ku leeyihiin Aaggaas, halkaas oo uu madaxweynuhu salaam sharaf kaga qaatay cutub kamid ah ciidanka qaranka.

Biixi16

Taliyaha ciidanka qaranka, Sarreeye gaas, Nuux Ismaaciil Taani oo madaxweynaha warbixin ku siiyey fadhiisimada ciidamada qaranka ee Aagga Tukaraq, ayaa ugu horrayn madaxweynaha ku bogaadiyey booqashadiisa uu ugu kuurgelayo xaaladda ciidamada qaranka, isaga oo sidoo kalena ku bogaadiyey sida uu u danaynayo daryeelka ciidanka, waxana uu yidhi, “Aad baan madaxweyne kaaga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee aad ciidanka u taakulayso iyo sida aad markasta u doonayso in wax loo qabto ciidanka.”

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa si mug leh u ammaanay ciidamada qaranka, isla markaana ku bogaadiyey sida ay ciidan ahaan uga go’an tahay inay dalka iyo dadkaba difaacaan, waxana uu yidhi, “Madaxweyne saaka maalin farxad leh bay noo tahay ragganina waa ragga aynnu ku fadhinno, mudnaantooda iyo karaamayntoodana cidina kaaga warrami mayso, waase rag aaminsan waxa ay meesha u joogaan, masuuliyadda saaran, marna waa cuqaal oo haddii aanay dulqaad iyo karti muujin nabadu may jirteen, taasna waan ku bogaadinayaa, shacabkana way kasbadeen.”

Biixi26

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay ciidamada qaranka ee ku sugan jiidda hore ee Tukaraq, ayaa sharraxay sida ay ciidamadu muhiimka ugu yihiin nolosha iyo sida ay shaqadoodu u tahay midda ugu karaamada badan adduunka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shaqada la isku wada raacsan yahay ee laga yaabo inaanay dheef badan lahayn, laakiin karaamo iyo ixtiraam iyo duco loo hayo, halka ugu karaamada badan ee ummadda oo dhammi isku raacsan tahay waa ciidamada qaranka, waayo ciidamadu waa astaantii qaranka.”

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka kula dardaarmay inaanay ka niyad-jabin shaqada aan dheefta lahayn ee ay bulshadooda u hayaan, islamarkaana ay abaalkeeda heli doonaan, “Hawshaas aad gashaan haku coloolyoobina, haddaad aragtaan guryihiinna iyo dadkiinna oo dayacan haku caloolyoobina, samaha aad gelaysaan, nafta aad u huraysaan iyo dalka waxa aad u qabanaysaan Ilaahay meel kaluu idinka siinayaa markaad si wanaagsan u gudataan, markaa dhibta aad qabtaan dheef-yaraanta jirta iyo hawsha marnaba shaydaanku yuu idinka wisiisiyin,” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay inaanay ciidamada qaranku ahayn kuwo cid kale duullaan ku ah, balse ay yihiin nabad-doon dadkooda iyo dalkooda difaacaya, waxana uu yidhi, “Waxad tihiin ciidan nabad-doon ah oo aan cidna ku duulaynin ee dalkiisa uun ilaashanaya oo wixii kusoo xad-gudba iyo wixii fadqalala ka wada qabanaya, waxaynnu nahay ciidan aan cidna weerar ku ahayn oo intii uu jireyba nabad soo waday oo dadkana kala ilaalinaya, dalkana ilaalinaya.”

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu la kulmay odayaasha deegaanka Tukaraq oo ay wada qaateen kulan is xogwaraysi ah, waxaanay ka mahad sheegteen odayaasha deegaanku habdhaqanka ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidahaasi,

Biixi1 Biixi2 Biixi3 Biixi4 Biixi5 Biixi6 Biixi7 Biixi8Biixi9 Biixi10 Biixi11 Biixi12 Biixi13 Biixi14 Biixi15 Biixi16 Biixi18 Biixi19

 

Biixi20 Biixi21 Biixi22 Biixi23 Biixi24 Biixi25 Biixi26 Biixi27 Biixi28 Biixi29

COMMENTS
LINKS