“Madaxweyne Muuse Biixi Caadifad Baa Qaaday, Mana Joojin Karo Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya”..Faysal Cali Waraabe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Muuse Biixi Caadifad Baa Qaaday, Mana Joojin Karo Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya”..Faysal Cali Waraabe
November 22, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigaasi ku leeyahay Hargeysa ayaa laab la kac siyaasadeed ku tilmaamay hadalo ka soo yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Guddoomiyaha golaha Wakiilada oo uu sheegay in aanay furi doonin wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi aanu joojin Karin wada hadalka Somaliland iyo Somaliya Madaxweynuhuna uu iska caadifad hadley, Isagoona sheegay In wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu ku bilaabmay talo qaran oo golayaasha sharci dajintu ay ogolaadeen.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Ucid waxa kale oo uu ka hadley safarka Madaxweyne Muuse Biixi ku marayo gobolada bariga Somaliland isagoona sshacabka goboladaasi ugu baaqay in si niyad sami ah u soo dhaweeyaan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS