Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Sh. Ismaaciil Dheeg oo Kulan Deg Deg Ah Yeeshay iyo Waxay Ka Wadahadleen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Sh. Ismaaciil Dheeg oo Kulan Deg Deg Ah Yeeshay iyo Waxay Ka Wadahadleen
November 5, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Afhayeenka Eragadii nabadaynta Colaadda Ceel-afweyn Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil-Dheeg), ayaa kulan ka yeeshay Dilka ka dhacay xalay deegaanka Dararweyne ee degmada Ceelafweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag, halkaas oo dagaal soo noqnoqday khasaare badanna sababay ku dhex-maray sannadihii u dambeeyey Beelo Walaalo ah oo deegaankaas wada dega, isla markaana dhawaan Ergo Qaran oo nabadayn u tagtay heshiisiisay Beelahaas.

Dilkan xalay dhacay ee Halka Qof lagu dilay, ayuu Sheekh Ismaaciil-Dheeg sheegay inay ka xun yihiin, waxaanu intaas ku daray inay nabadgelyo ugu baaqayaan Beelaha halkaas wada dega ee dilku ku kala yimi intii ka dambaysay heshiisiintii lagu soo afjaray colaadda. Waxa kale oo uu Sheekh Ismaaciil-Dheeg sheegay inay Madaxweyne Ku-xigeenka ka wadahadleen arrintaas soo cusboonaatay, isagoo intaas ku daray in Ergo nabadeed oo Dawladda iyo Wax-garadka kale ee Culimada iyo Madaxda Dhaqanku hormuudka ka yihiin u bixi doonaan deegaanka Ceel-afweyn.

 

Sheekh Ismaaciil-Dheeg oo Dilkaas, Ergada u baxaysa iyo Waxay Madaxweyne Ku-xigeenka ka wadahadleen oo faahfaahsanba, Halkan hoose ka daawo:-

COMMENTS
LINKS