Madaxweyne Biixi Iyo Doodda La filayo Inay Hor Dhigi Doonaan Odayaasha Iyo Waxgaradka Reer Burco!!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi Iyo Doodda La filayo Inay Hor Dhigi Doonaan Odayaasha Iyo Waxgaradka Reer Burco!!.
November 20, 2018 - Written by Editor:

Burco(W,N) Madaxweyne Biixi si diiran baa loogu soo dhoweeyey magaalada Burco, haseyeeshee caawa waxay jilbaha isku laaban doonaan odayaasha iyo wax garadka reer Burco, qodobada ay madaxweynaha kaga doodi doonaan waxa kamid ah:

BIIXI IYO ODOYAASHA BURCO

saami qaybsiga golaha wasiirada, Mashaariicda laga fulinayo gobolka, mudadii uu joogay waxa laga qabtay iyo qorshaha sanadaha soo socda waxa u qorshaysan in laga qabto, cabashooyinka yaalla deegaanda kala duwan ee Togdheer,

waxaana Lafilyaa in lagu soo afjari doonaa in la kordhiyo golaha Wasiirada si dadku iskaga dhex muuqdaan.

Madaxweynuhu wuxuu dib usoo noqo doonaa isagoo wax badan ogaaday, waxaana la qiimayn doonaa mar labaad isku shaandheynta uu samayn doonno iyo cida uu usoo xulan doono ee waxqabadka uu doonayo fulin doonna.

Qalinkii; Barkhad-ladiif Maxamed Cumar.

COMMENTS
LINKS