Madaxweynaha Somaliland oo Kulamo La Qaatay Guddida Heer Qaran ee Ka Garnaqidda Shaqaaqadii Ceel-Afweyn iyo Waxgaradka Deegaanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland oo Kulamo La Qaatay Guddida Heer Qaran ee Ka Garnaqidda Shaqaaqadii Ceel-Afweyn iyo Waxgaradka Deegaanka
November 26, 2018 - Written by Reporter:

Ceel-afwayn (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay u hoydey magaalada ceel-Afweyn ee gobolka sanaag, waxaanu halkaa kulamo kala duwan kula yeeshay guddida heer qaran ee ka garnaqeysay diriirtii colaadeed ee ka dhacdey degmada Ceel-Afweyn iyo labadii dhinac ee ay saameysay shaqaaqadaas heshiiska laga gaadhay.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddida heer qaran ee hore loogu xilsaaray daminca shaqaaqadii deegaanka Ceel-Afweyn, ayaa si xeeldheer iskaga xog-warraystay natiijada dedaalladii guddidu ku hawllanayd, iyaga oo madaxweynaha inuu ku saacido qabyo-tirka go’aamadii go’aamadii nabadeed ee colaaddaas lagu soo afjaray iyo fulinta dhammaanba go’aamadii labada beelood ee walaalaha ahi ku heshiiyeen.

Madaxweynaha Somaliland,ayaa dhiniciisa guddidan ku bogaadiyay dedaalada ay wadaan ee ay nabad waarta kaga dhalinayaan deegaanka ceel-Afweyn, geesta kale madaxweynaha Somaliland ayaa kulamo muhiim ah la qaatey madaxda dhaqanka waayeelka iyo wax garadka labadii beeleed ee walaalaha ah, didirtuna ku dhexmartey deegaano ka tirsan degmada Ceel-Afwey ee gobolka sanaag, waxaanu madaxweynuhu labada dhinac farey fulinta awaamiirtii ka soo baxdey guddidii xeer beegtida aheyd ee nabada ka waddey degaamada sanaag.
Madaxweynaha Somaliland iyo waxgaradka labadaa bulsho ayaa is buuxda isula meel dhigay fulinta qodobadii heshiiska ka soo baxay shirkii nabada ee hore uga qabsoomay Ceel-Afweyn iyo ilaalinta guud ahaan nabadgalyada dalka somaliland oo cid walba waajib ku ah balse uu si gaara ugu dardaaray Madaxweynuhu inay dhawraan heeganna ugu jiraan.
Ujeedka Kulankan iyo joogitaanka uu madaxweynuhu xalay u hoyday Cee-Afweyn ,ayaa salka ku haysa in uu madaxweynuhu joob-joog ka ahaado hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskii hore loo kala saxeexday.

Biixi1 Biixi2 Biixi3 Biixi4 Biixi5 Biixi6 Biixi8 Biixi9 Biixi10 Biixi11 Biixi12 Biixi12 Biixi13 Biixi15 Biixi16 Biixi17 Biixi19 Biixi118

 

 

COMMENTS
LINKS