Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Yeeshay Wefti Ballaadhan oo Ka Socda Qaramada Midoobay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Yeeshay Wefti Ballaadhan oo Ka Socda Qaramada Midoobay
November 4, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefdi ballaadhan oo ka socda qaramada midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Somaliland, Mr. Nicholas Haysom.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay wefdiga ka socda qaramada midoobay, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland, Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), waxana diiradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidha Somaliland iyo qaramada midoobay iyo sidii loo joogtayn lahaa ka midho-dhalinta xidhiidhkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa faah-faahiyey waxyaabaha sida gaarka ah ay uga wada-hadleen madaxweynaha iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa laga wada hadlay dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay kamid tahay arrinta nabadgelyadu, is-kaashiga qaramada midoobay iyo Somaliland, arrimo la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo labada dhinacba danaynayeen.”

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Nicholas Haysom oo isaguna si kooban uga hadlay kulanka uu madaxweynaha la qaatay, ayaa si hufan uga mahadceliyey fadhigaas iyo waxyaabaha ay labada dhinac isla soo qaadeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu kulankaasi ahaa mid yididiilo cusub oo midho dhal leh keeni kara.

Biixi1 Biixi2 Biixi5 Biixi7 Biixi8 Biixi11 Biixi14 45325067_1888281754619002_8674333143202791424_n 45260479_1888280877952423_7248273150457151488_n 45434324_1888282067952304_8718437745753587712_n  45441977_1888281927952318_4758859193153224704_n 45343152_1888279001285944_5562024618740416512_n 45380269_1888282907952220_4285761037895991296_n45382359_1888279024619275_6540677417290170368_n

 

COMMENTS
LINKS