Madaxweynaha Somaliland oo Dhagax Dhigay Mashaariic Waaweyn oo Xukuumaddu Ka Hirgelinayso Magaalada Burco | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland oo Dhagax Dhigay Mashaariic Waaweyn oo Xukuumaddu Ka Hirgelinayso Magaalada Burco
November 22, 2018 - Written by Reporter:

Burco (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay laba Biriish oo waaweyn oo ay yeelan doonto magaalada Burco, kuwaas oo fududayn doona, wax weynna ka tari doona isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Burco.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaannada golaha deegaanka iyo madaxda dhaqanka ee gobolka Togdheer, ayaa dhagax dhigay Biriishka Aagga Ceel-goonni iyo mid kale oo laga dhisi doono togga u dhexeeya degmooyinka Aadan Saleebaan iyo Sheekh Bashiir, waxana ay mashaariicdani kamid yihiin dedaallada ay xukuumaddu ku doonayso inay ku horumariso deegaannada kala duwan ee dalka, kuna daboosho baahiyaha ay bulshadu qabaan.

Xubno kamid ah madaxda dhaqanka iyo maamulka gobolka Togdheer oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay inay taageeri doonaan dhammaystirka mashaariicda cusub ee uu madaxweynuhu dhagax-dhigay, isla markaana ay xukuumadda ku taageeri doonaan sidii ay kaalinteeda uga soo bixi lahayd.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kelmado kooban ka jeediyey dhagax-dhigga mashaariicdan, ayaa hoosta ka xarriiqay in is kaashiga shacabka iyo xukuumaddu hiigsi u yihiin xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dhagaxaas maanta aynnu dhigaynaa waxa uu kamid yahay laba qodob oo inoo mabda’ ah oo kala ah shaqo qaran oo qaranku u dhan yahay iyo taakulayn qaran oo ah wixii aynnu qabsanayno qaran ahaan inaynnu isugu tagno ah.”

Madaxweynahaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa maalmahan dambe socdaal shaqo ku maraya gobollo kamid ah dalka, waxana uu madaxweynuhu deegaannada uu soo maray iyo kuwa uu ku sugan yahayba ka dhagax-dhigay mashaariic tiro badan, isaga oo kuwo hore ay xukuumaddu u dhammaystirtayna xadhigga ka jaray.

Biixi2 Biixi1 Biixi3 Biixi4 Biixi5 Biixi6 Biixi7 Biixi8 Biixi9 Biixi11 Biixi12 Biixi13 Biixi15

COMMENTS
LINKS