|
|||||
WAJAALE NEWS
Maamulka Trump oo Cunaqabatayntii Abid Ugu Adkayd Dib Ugu Soo Rogaya Iran
November 3, 2018 - Written by Reporter:Washigton (WJN)- Maamulka madaxweyne Trump ayaa dib usoo celinaya dhammaan cunaqabataynadii Maraykanka ee saarnaa dalka Iran ee laga qaaday heshiishkii nuclear-ka ee sanadkii 2015-kii kadib. Aqalka Cad ayaa sheegay in cunaqabatayntani a tahay “Tii ugu adkayd ee abid lagu soo rogo dawlad” taas oo lagu soo rogay xukuumadda Tehran. Cunaqabataynta ayaa bartilmaameelkeedu yahay xukuumadda Iran iyo dalalka la ganacsada. Si kastaba ha ahaatee, dalal sideed ah ayaa la siin doonaa tanaasul kumeel gaadh ah si loogu oggolaado in ay sii wadaan saliidda ay ka dhoofsadaan Iran. Dawladaha Midowga Yurub ee taageeray heshiiska nuclear-ka ayaa sheegay in ay ilaashan doonaan sharikadaha Midowga Yurub ee ganacsiga “Sharciga ah” laleh dalka Iran. Madaxweyne Donald Trump ayaa ka baxay heshiishka bishii May, isagoo ku tilmaamay ” Mid gabi ahaanba cilladaysan oo aan sax ahayn” sababtoo ah ayuu yidhi kama hor istaagin heshiiskaasi Iran in ay joojiso hormarinta mashruuca gantaalaha ridada dheer iyo faragarinta ay ku hayso dalalka dariska ah. “Cunaqabataynadu way imaanayaan,” ayuu kusoo qoray bartiisa twitter-ka kadib markii arrintaa uu ku dhawaaqay Jamcihii. Xukuumadda Maraykanka ayaa si aayar aayar ah u soo rogaysa cunaqabataynta, balse dadka arrintan ka faallooda ayaa sheegaya in tallaabadani ay tahay tii ugu muhiimsanayad waayo waxay bartilmaameedsanaysaa qaybaha asaasiga ah ee dhaqaalaha dalka Iran. Danta laga lahaa heshiiska ayaa ahayd in Iran ay xakamayso hawlaha la xidhiidha hubkeeda nuclear-ka ee muranka badan dhaliyey iyadoo ku baddalanaysa in laga khafiifiyo cunaqabataynada. Madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas, Barack Obama, ayaa sheegay in heshiishku uu ka hor istaagayo Iran in ay sii waddo oo ay hormariso hubkeeda nuclear-ka. Dalalka UK, faransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Shiinaha oo qayb ka ahaa heshiiskii 2015-kii kama aanay bixin heshiiska, iyagoo sheegay in Iran ay heshiishka fulinayso. Related posts:“Somaliland Hadii Aanay Dib Ulasoo Noqoto Madaxbanaanideeda,Maanta Waxba Kamay Duwanaateen Somaliya... “Qorshaha Qaranku Mudane Madaxwayne, Maaha Qorshe Mala Awaal Ku Salaysan, Ee Qorshe Ku Salaysan, Xog... Daawo:Muj. Ooto Biixi Iyo Khadar Budle Oo Ka Hadlay Sixirbararka Dalka Aafeeyay Fariina U Diray Xuku... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|