|
|||||
WAJAALE NEWS
Lamaane geeriyooday iyagoo arooskooda la galbinayo
November 6, 2018 - Written by Reporter:Texas (WJN)- Lamaane da’yar oo reer Texas ah ayaa dhintay ka dib markii ay burburtay diyaaraddii qumaatiga u kacaysay ee ka soo galbinaysay arooskooda habeennimadii Axadda, sida ay saraakiishu sheegeen. Will Byler iyo Bailee Ackerman Byler ayaa ahaa arday dhiganayay jaamacadda Sam Houston State University, geeridooda waxaa markii u horraysay tabiyay wargeys ay ardaydu leeyihiin. Shilka diyaaraddu wuxuu ka dhacay meel u dhaw Uvalde oo 135km u jirta galbeedka San Antonio. Dadkii arooska ka qayb galay ayaa baraha bulshada soo dhigay sawirradii ay arooska ku galeen oo ay tacsi soo raacinayaan. “Aad baan uga xumahay!” ayuu qof saaxiib la ahaa ku soo qoray Facebook, wuxuuna intaas ku daray in uu sidoo kale dhintay duuliyihii diyaaradda”. Madaxa ardayda oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in lamaanaha is aroosay “ay waligood lagu xasuusan doono qalbi samidoodii iyo dhiirigalin toodii.” Lamaanahan ayaa is aroosay saacad uun ka hor markii ay shilka ku galeen Texas. Lamaanahan labadooduba waxay baranayeen culuunta beeraha waxayna ku jireen sannadkii u dambeeyay ee jaamacadda.
Related posts:DAAWO;-Warbaahinta Madaxa banaan Ee Jsl Oo Si Adag Uga Horyimid Amar kasoo Baxay Wasaarada Warfaafin... Gabiley:Dareenka Laga Qaatey Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Fadeexado Taagan Laga Mustafeeyay Odoyaal U ... Madaxwayne kuxigeenka Dawlad Deegaanka Somalida Etoobiya Faah faahin ka Bixiyay Safarka Raysal Wasaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|