Labada Xusuus Qor Keebaa Run U Dhow!! Qalinkii; Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Labada Xusuus Qor Keebaa Run U Dhow!! Qalinkii; Barkhad-ladiif.
November 2, 2018 - Written by Editor:

Maxamuud Xaashi oo isna la soo kala baxay xasuus qorkiisii, haseyeeshee isagu wuxuu xirsi kaga duwanaa Buug kama dhigin ee Telefishanku dadka usoo mariyey, isagoo ka xog waramay dhacdooyin badan oo uu madaxweyne Siilaanyo xaliyey iyo qaar dhexmaray Xirsi, isaga iyo madaxweynaha.

Maxamuud Xaashi oo tirinaya dhacdooyinkii waaweynaa ee Madaxweyne Siilaanyo la soo gudboonaaday ee uu xaliyey Wuxuu yidhi:

  1. Waxa dhacday markii uu muddo gaaban wasiirka madaxtooyada laga dhigay Xirsi waxa u yimid madaxweynaha odayaal deegaanka madaxweynaha ka soo jeediya oo eedeeynayey Xirsi, balse madaxweynuhu wuu ka difaacay eedahaasi, haseyeeshee odayaashii waxay usoo jeediyeen in dhibaatadda jirta ee dadku hadal hayaan uu sababay xirsi sidaas darteed xilka laga qaado, haseyeeshee madaxweynuhu wuxuu yidhi anigu suuqa u maqli maayo sidaasna qof xilka loogama qaado.
  2. 17, April, 2013 kii markii madaxdii Ingiriisku cadaadis ku saareen madaxweynaha inay ka qaybgalaaan shir SOomaaliya loogu qabanayey London, wuxuu ka qaatay go’an adag oo uu ku diiday dalabkii Ra’isal wasaaraha Ingiriiska.
  3. Madaxweynaha mucaarad culus oo kale kama hor iman ee xisbigiisii dhexdiisii ayey mucaarad uga timid, waxaana is hayey wasiirkii Maaliyada ee wakhtigaasi Samaale iyo Muuse Biixi, markii uu ka baqday inuu xisbigu burburo waxa uu runta u sheegay Cabdicasiis Samaale oo uu amrey in Samaale wasiirkiisa ahaaa, Muusena loo daayo gudoomiyaha xisbiga.
  4. 29 November 2012 doorashadii deegaanka ee dalka ka dhacday waxa ka soo baxay khilaaf xoogan doorashadii degmda Saylac ka dhacday, labadii beeleed oo wada degayey ayaa hal beel dooratay maayarii iyo maayar ku xigeenkii oo ay iyagu aqlabiyadii yeesheen, waxaana ka dhashay mudaharaadyo, waxa la soo jeediyey in doorashadaasi maayarka iyo ku xigeenka lagu doortay la tirtiro iyo in la daayo, waxaanu go’aansaday madaxweynuhu in sideeda loo daayo, odayaashii cabanayey waxa uu ku qanciyey in xukuumada dhexe uun kala hadlaan waxay uga baahan yihiin ee degmadaasi doorashadeeda u madax banaan tahay.
  5. 2015 kii degmada Teleex laba beelood baa isku diray waxa loo direy ciidamada qaranka, balse arrintaasi buuq badan bay abuurtay oo lagu diidanaa ciidanka qaranka , beesha caalamka waxa kaga yimid culays si ciidanka looga soo saaro , haseyeeshee wuxuu ku adkaystay inuu ciidanka ka soo saarin.
  6. 26 octobar 2016 kii khilaafkii xisbiga kulmiye ka dhex qarxay ayey sababtay in wasiiro badan iska casilaan, maalin adag bay ahayd, dadkana walwal baa galay, arintaasi tijaabo ayey ku ahayd hogaaminta madaxweyne Siilaanyo, waxaanu saacado ka dib la hadlay BBC oo sheegay inuu wasiiradii meesha baneeyey ay xaq uleeyihin inay is casilaan, wuuna u duceeyey oo meel khayr leh alla ha idin geeyo ayuu yidhi, waanu buuxiyey maalin ka dib, isagoo maalintaasi ku yidhi rag badan oo bilaa camal ahiba way jiraan waa nasiibkiin.
  7. Wasiirkiiisii Daakhiliga Cali Warancade ayuu go’aansaday inuu bedelo oo uu xilkaasi u dhiibo nin ka soo jeeda gobolka Sool, habeenimadii buu u yeedhay wuuna u sheegay ujeedadda uu ka leeyahay , waxaanu usoo jeediyey inuu ka dhigo wasiirka Duulista, haseyeeshee cali wuu ka cudur daartay wasaaradaasi, haseyeeshee wuu soo dhoweeyey ninka reer Sool ee lagu bedelay, isagoo awoodayey inuu bedelo isagoo kala tashan ayuu hadana ku xurmeeyey inuu kala tashaddo .
  8. Bishii July, 2015, Mar kale ayuu khilaaf xaga musharaxnimada ahi ku soo kordhay kulmiye, ragii damaca yeeshay waxa ka mid noqday Xirsi Cali, goor fiid ah ayuu madaxweynuhu noo yeedhay aniga iyo xirsi wuxuna na waydiiyey in labadayadu is khilaafsanahay iyo in hunguri idinka hayo musharaxnimada xisbiga, haseyeeshee xirsi baa cadeeyey hankiisa musharaxnimo, madaxweynuhu wuu ka diiday wuxuu ku yidhi gacan yarayaashayda uma ogoli inay iyago wasiiro ah halkaasi isku soo sharaxaan, inkastoo xirsi isku dayey inuu rayigiisa ku adkaysto, balse madaxweynuhu ganafka ayuu ku dhuftay, waxaanu u sheegay in aanu ogolayn qof kaaliyihiisa ah inuu musharax ka noqdo xisbiga kulmiye, waxaanay ahayd xal uu ku badbaadinayey xisbigiisa.
  9. September 2016 kii, kala qaadistii golaha wakiilada iyo madaxtooyadi oo uu gudi usaaray, ayaa gudidii soo jeedisay in aan labada doorasho is qaadanayn ee madaxweynuhu isagu go’aan ka gaadho, madaxweynuhu go’aan buu qaatay in la kala qaado doorashada oo la soo horeysiiyo doorashada madaxtooyadda, taas oo ay ka hor yimaadeen beesha caalamka ee dhaqaalaha ku bixisa doorashooyinkeenna.
  10. Maalin waxa dhacday in Shirkii golaha wasiirada oo aanu doodayno aan ku muranay wasiirudawlo oo hadalku naga taagtaagmay, madaxweynuhu intuu na kala joojiyey ayuu markii dambe aniga ii yeedhay iguna canaantay inaan sidaas ula hadlo, waxaanu igu yidhi maaha in wasiir kale sidaas ula hadasho oo aanu u qaadan in awoodayda ku hadidayso.

COMMENTS
LINKS