Laba kala fog: faanka Soomalida Iyo Qarnigan Casriga ah Sida Loo Bahdilayo Qofka Somali ah. Qalinkii; Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba kala fog: faanka Soomalida Iyo Qarnigan Casriga ah Sida Loo Bahdilayo Qofka Somali ah. Qalinkii; Barkhad-ladiif.
November 27, 2018 - Written by Editor:

Soomaalidu Ayaan Daraan, tan iyo intii kacdoonka Oromadu bilaabmay cidda si gaar ah loo bartilmaamaysanayaa waa Soomaalida, dhamaan xuduudaha ay wadaagaan Soomaalida iyo oromadda dagaal baa ka socda, Mooyaale iyo tuulooyinkii u dhow dhowaa soomaali waa laga soo qaxiyey,

Diradhaba sidoo kale, tuulooyinka dhinaca gobolka Faafan ee jig jigi caasimadda u tahay ee ay wadaagaan Oromada waa laga soo qaxiyey, illaa hadda cid masuul soomaali ah oo ka hadlay ma jirto, Itoobiyada kale way daawanaysaa, soomaalida kale way daawanaysaa, dadka soomaalida ee la barakicinayaa cid ilaa hada u damqatay ma jirto ,xiitaa goobaha dadka lagu xasuuqayo ciidamo kala ilaaliya lama geyn, hadii aad maqli jirtay Falastiin baa guryahooda laga barakiciyaa si dad loogu Beero, maanta Soomaalidii baa falastiin noqotay.

Iyadoo qarnigii 21aad la marayo ayaa soomaalidu noloshaasi ku nooshahay, mar hadii soomaalidu Oromadii ay yasi jireen sidaas u galayso muxuu faanka duleed iyo faruhu tarayaan.

 

Qalinkii; barkhad-ladiif Maxamed Cumar.

 

COMMENTS
LINKS