Khasaare Ka Dhashay Roobab Xoogleh oo Dad Ku Laayay Jordan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khasaare Ka Dhashay Roobab Xoogleh oo Dad Ku Laayay Jordan
November 10, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) -Daadad ka dhashay roobab xoogan oo ka da’ay dalka Jordan ayaa sababay dhimashada ilaa 9 qof halka 3,700 dalxiisayaal ahna ay dowladda ku qasabtay in ay isaga tagaan Magaalada Petra ee dalkaasi si uu u yaraado khasaaraha ka dhalanaya daadadkaasi.

Dalxiisayaashaani ayaa loo waday meel amaan ah oo aanu roob ka da’in si naftooda loo badbaadiyo sida uu warbaahinta u sheegay afayeen u hadlay dowladda oo magaciisa lagu sheegay Jumana Ghunaimat.

Sidoo kale afayeenka ayaa ka warbixyay dadka sagaalka ah ee ku geeriyooday daadadkaasi in ay kamid ahaayeen Labba Dumar ah iyo Gabadh yar oo wada joogay Gobolka Madaba ee dalkaasi Jordan halkaasi oo roobabka xoogan ay maalmahaanba ay ka da’ayeen.

“Gabadha yar iyo Labbada dumarka ah ee kamidka ah dadka ku dhintay masiibadaan ka dhalatay roobaablka, waxaa ay wada saarnaayeen hal gaadhi ka hor intaanu daadka qaadin gaadhiga ay wateen waxaana dad goob joogeyaal ahaa ay inoo xaqiijiyeen in ayna jirin fursad lagu badbaadin karayay oo uu mar qudha daadku qaaday gaadhiga ay wateen durbadiina la wayaay”ayuu sheegay Jumana Ghunaimat mar uu warbaahinta ugu warbixnaayay dhacdadaani iyo dadka ku waxyeeloobay.

Ahmed Shamaseen oo kamid ah dadka deegaanka daadadka sida u xun u saameeyeen ahna milkiilaha Petra Harmony guest house  ayaa Wakaalada wararka ee AP u sheegay in uu indhahiisa ku arkaayay daad wata dhagxaan in uu galay dukaaman dadka si aad ah kaga adeegtaan waxyeeleyayna dhamaan dadkii xiligaasi dukaameesanaayay oo qaarkood uu soo gaadhay dhaawacyo daran.

Waxaa uu sheegay in isagu uu badbaadiyay lamaane Neherland u dhashay oo degenaa Hotelkiisa kuwaasi oo dalxiis u yimid dalkaasi.

Dowladda Cumaan ayaa goobaha waxbarashada, shaqada iyo dalxiiskaba ku amartay in la xidho si bay yidhaahdeen uu u yaraado khasaaraha waxayna u muuqataa in uu sii siyaadayo khaasaraha ka dhsahay daadadkaasi.

 

COMMENTS
LINKS