Jacayl uu Jeel Ogaadeen kala dhantaalay ee jabhadnimo u horseeday caruusad ONLF ku jirtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jacayl uu Jeel Ogaadeen kala dhantaalay ee jabhadnimo u horseeday caruusad ONLF ku jirtay
November 27, 2018 - Written by Reporter:

Iyadoo 3 maalin uun ay ka soo wareegtay guurkeeda ayaa saygeedii iyo qaar ka mid ah qoyskeeda la xidhay, waxayna sheegtay in loo caga-jugleeyay oo meel ay gasho ay wayday, sidaasi darteedna ay ku biirtay ururka ONLF.

Nicmo Sheekh Maxamed Digil ayaa ONLF ku biirtay iyadoo 16 jir ah oo aroos ah ka dib markii ninkeeda la dhigay xabsiga Jeel Ogaadeen waxayna ka mid ahayd askartii iyaga oo tababarka ku soo dhamaystay Eritrea laga soo dajiyay magaalada Jigjiga.

Nicmo ayaa muddo dheer ka dib ninkeeda indhaha saartay waxayna BBC-da uga sheekeysay qisadeeda iyo waayihii ay soo martay.

Nicmo Sheekh Maxamed Digil

”Waxay saygeyga ku maageen ma aqaano, jeel Ogadeen ayaa la geeyay, 9 sano ayuu halkaas ku xidhnaa, hadda Jigjiga ayaan iskugu nimid isaga oo jeelka ka soo baxay iyo anigoo ciidan ah” ayey tidhi Nicmo Sheekh.

Sidoo kale waxay BBC-da u sheegtay in aabeheedna la xidhay oo iyada iyo ciyaalkii la dhashayba ay ku soo koreen aabo la’aan, balse hadda ehelkeedii iyo aabaheedba waa la soo daayay.

”Ma aha in uu dhamaaday halgankii iyo dhibkii aan waxan u soo marnay, balse siyaasadda ayaa dhan qabow isku badashay, xagga qabow ayaan kaga midho dhalin doonnaa, haddi ay xitaa ka fursan weydo oo kulayl nala gasho, inaan geeriyoono mooye kama hadhi doonno oo kama tanaasuleyno halganka” ayay tidhi.

Nicmo Sheekh Maxamed Digil ayaa hadda magaaada Jigjiga kula nool saygeeda waxayna sheegtay inay hadda u diyaar garoobayaan inay ilmo helaan haduu Alle siiyo, maadama markii hore la kala waday oo wax ilmo ah aysan isku dhalin. Nimco weli ma aaminsana in hadafkeedii ay gaadhay, waxayna sheegtay in xabadda uun ay joogsatay, ayna weli ku han weyn tahay inay aragto “calanka Ogaadeenya” oo kaligii taagan.

COMMENTS
LINKS