|
|||||
WAJAALE NEWS
Hogaamiyaha Iyo La Hogaamiyaha Waxa U Dhaxeeya Xadhig La Yidhaahdo Hogaan!
November 15, 2018 - Written by Editor:Waxa Aan Halkan idinkula Wadaagayaa cilmiga dhan ee hogaaminta la yidhaahdo oo aan si fudud oo aynu wada garanayno qofwalibana fahmi karo tusaale aan idiin kaga dhigay wax uu qofkastaa fahmi karo, mid wax bartay iyo mid aan baranba. ▪Hogaamiye waa horgale ▪Hogaankuna waa xadhiga u dhaxeeya Horgalaha iyo dabagalaha hogaamiyaha. ▪La Hogaamiye waa dabagale u jihaysan halka horgaluhu hogaanka ugu xidhay ama u socdo. Hogaanku af somaliga waa xadhiga u dhaxeeya Hogaamiyaha iyo la hogaamiyaha, hadii aanu xadhigani jirina ma jirayo hogaamiye iyo la hogaamiye. Hogaamiye + Hogaan + la hogaamiye = ujeedo yool iyo hiigsi leh oo meel loo socdo, tusaale sida; Safar,Biyo soo dhaamin, Guurid, iwm. Waxa aan tusaale qofwaliba fahmi karo u soo qaadanayaa awr iyo xadhiga hogaanka ah ee u dhaxeeya qofka hogaamiyaha ah ee reerka ku raraya ama ugu safraya ama dhaanka ku doonaya iyo qalabkii dhaanka ama rarkii reerka guuraya. Marka aad reerka rarayso ama aad u safrayso ama u soo dhaaminayso, waxa aad u baahan tahay in aad hesho awr gurgurshaa ama raray ah oo qaadi kara waxa lagu rarayo oo xoogan, xadhkihii rarka ama dhaanka iyo qalabkii oo adag iyo xadhigii hogaanka ahaa oo ah isaguna mid adag. Haddaba muhiimada hogaamiye loogu baahan yahay waa in uu wax dheer yahay la hogaamiyaha oo uu garanayaa meesha loo socdo, halka ceelka laga soo dhaaminayaa ku yaallo iyo halka reerka loo rarayo ba ee socodku ku jihaysan yahay. Waxaana shuruudo u ah in uu hogaanka iyo la hogaamiyaha u dhaxeeyo hogaan oo ah xadhig adag si aanu la hogaamiyuhu uga hadhin hogaamiyaha oo aanay ujeedadii oo dhami meesha uga bixin. Somalidu waxa ay odhan jirtay waxa ay ka yaabto hogaankaa u go’ay, oo macnuhu yahay hadii hogaanku go’o waa habaw iyo tacab khasaar oo hogaamiyihiina wuu guul daraysanayaa oo wax uu hogaaminayaa ma jiraan. la hogaamiyihiina haduu hogaanku u go’o meesha uu doonaa buu marayaa oo wuu lumayaa ileyn meel uu ku socdaa ma jirto e oo waakan hogaankii la hogaamiyaha iyo hogaamiyihii meesha ka baxay e . Tusaale hadii awrka iyo qofka hogaaminaya xadhiga u dhaxeeyaa go’o, waxa dhacaya in awrkii lumo oo uu ka hadho qofkii hogaaminayey, qofkii hogaaminayeyna qudhiisu hadii ay meesha ka baxdo ujeedadii uu u socday isna waa lumis kale uun. Waxa kale oo dhici kartaa isaga oo aan hogaankii meesha ka bixin in awrku haamihii ama agabkii reerka ku guurayey daadiyo oo iyaduna noqonaysa ujeedo madhan iyo iska socod aan wax faaiido ah lahayn oo waxii loo socdayba meesha ka baxay. Halkaa marka aynu marayno waxa aad garan kartaa kaalinta hogaamiyaha iyo masuuliyada saaran oo ah in uu diyaarsado hogaan adag oo aan u go’in si wanaagsan u raro oo u adkeeyo awrka iyo rarkiisa. sidoo kale si adag uu ugu xidho xadhiga hogaanka ah oo adag, dabadeed u diyaargaroobo oo u dhaqaaqo socod isaga oo marwalba hubinaya hogaankii iyo la hogaamiyaha oo awrka ah iyo rarkiisa oo aanu iska socon uun si aan ujeedadii meesha uga bixin, habaw iyo hungowna aanu u dhicin. Marka aynu intaa isla fahano waxa aynu garan karnaa waxa loo baahan yahay, Waxa loo socdo iyo ujeedada iyo waliba halka loo socdo. Haddaba dawladnimada iyo hogaankeedu waa intan uun oo ah qofka hogaamiyaha ummada noqonayaa in uu noqdo qof aragti dheer aqoon iyo kartiba u leh in uu ummad hogaamiyo oo u jiheeya xaga yoolka iyo hiigsiga umadaasi ka xigo. Hogaanku waxa uu noqonayaa cida uu u xusho in ay ummadda u adeegto ee la shaqaynaya hogaamiyaha, waana halka ugu muhiimsan ee Hogaamiyaha iyo ummada la hogaaminayo isku xidhaysa. Hogaamiyaha waajibaadka saaran waxa weeye in marka uu soo xulo cidii la shaqaynay, oo uu haysto umadii uu hogaaminayey, kadib uu diyaarsado qorshihii lagu shaqaynayey oo ah wadadii la marayey iyo jihadii loo soconayey. Marka intaasi la diyaariyo ee la isku hagaajiyo ayaa hawshii iyo socodkii bilaabmayaan, iyada oo si taxadir leh loo soconayo, mar marba marka ka dambaysa talaabada la sii kordhinayo isaga oo Hogaamiyuhu aan iska soconayn ee marwalba hubinaya waxii uu isku habeeyay sidii ma yihiin maxaa ka xumaaday oo si joogto ah ula soconaya. Sidaasi ayaa lagu gaadhi karayaa ujeedada, hiigsiga iyo himilada umadi leedahay iyo waxa ay rabto ee ay dawladnimada iyo kala dambaynta iyo ismaamulka u samaysatay. ▪Tusaaleyaasha aan u soo qaatey hogaaminta waxa kaaga muuqanaya dhamaan waajibaadyadii iyo waxii loo baahnaa oo dhan, waxa kale oo aan sawir buuxa kaa siiyey kaladambaynta. ▪Awrka gurgurshaaga ah ama rarayga ahi ee xoogan iyo qalabkiisu waa dadweyne midaysan. ▪Xadhiga adag ee hogaanka ahina waa madaxda madaxweyne umadeed ama hogaamiye umadeed u xusho in ay la shaqeeyaan oo isaga iyo dadka uu hogaaminayo u dhaxeeyaan iyo shuruucda lagu shaqeynayo. ▪Hogaamiyaha awrka ama qofka dhaanka ku soo dhaaminaya ama reerka ku rarayaa ama safarka ku doonayaa waa Madaxweyne umadeed ama Hogaamiye dal. Su’aal: Halkaynu haddaba ka liidanaa? QALINKII; Muhamed Dhimbiil COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|