|
|||||
WAJAALE NEWS
Haweeney Loo Doortay Madaxa Maxkamadda Ugu Sarreysa Itoobiya
November 1, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Meaza Ashenafi oo ahayd qareen dhanka xuquuqda aadanaha ayaa loo doortay haweeneydii ugu horreysay oo madaxa ka noqoto maxkamadda ugu sarreysa Dowladda Federaalka ee Itoobiya. Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa soo magacaabay ,Meaza , xildhibaanada baarlamaanka ayaa ansixiyay inay hoggaanka u qabato maxkamadda ugu sarreyso Itoobiya. Waxaa maalimihii ugu dambeeyay dalka Itoobiyay qaar kamid ah xilalka ugu sarreya la siiyay haweenka dalkaasi. Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Sahle-Work Zewde loo doortay haweeneydii ugu horreysay oo dalka Itoobiya Madaxweyne ka noqota. Meaza ayaa sannadkii 1995-tii bilaawaday urur ay ku mideysan yihiin haweenka qareenada dalka Itoobiya, ka hor intaasi, waxay ahayd garsoore ka tirsan maxkamadda sare isla markaasna waxay ka qayb qaadatay qoritaankii dastuurkii cusbaa ee Itoobiya sannadihii sagaashamaadkii. Warbaahinta FANA ayaa barta Twitter-ka soo gelisay markii Meaza Ashenafi xilka loo dhaarinayay.
Related posts:DAAWO;-Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Kufsi Iyo Dil Magaalada Burco Gabadh Loogu Gaystay. Gudida Dabagalka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada Oo Kulan La Qaatay Macalimiin Ka Cabanayay Mush... DAAWO;-Wasiirka Waxbarashada Jsl Oo Mar Kale Ka Hadlay Gabadh Yar Oo Lagu Kufsaday Xarunta Agoomaha ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|