Hangaradii Jimciyadda Sooyaal Oo Iskaraab Ahaan Loo Fur furtay Iyo Muuqaallo Laga Helay Goobo Lagu Ururiyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hangaradii Jimciyadda Sooyaal Oo Iskaraab Ahaan Loo Fur furtay Iyo Muuqaallo Laga Helay Goobo Lagu Ururiyay.
November 6, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Dhawaan ayay ahayd markii Maamul cusubi ay la wareegeen xarunta Jimciyadda Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal, kuwaas oo sifo aan hab-dhaqankii hore ee Sooyaal ahayn loogu wareejiyay xilka, iyadoo Xubno Xukuumadda ka socdayna ay goob-joog ka ahaayeen Xil wareejintooda.

sooyaal 1

sooyaal 5

Wararka laga helayo xarunta Jimciyadda Sooyaal, ayaa bannaanka keenay tallaabooyin ay qadeen Xubnaha hoggaanku, kuwaas oo qaab qorsoodi ah u furfuray qaybo ka mid ah dhismayaashii VTC-da, oo hab ganacsi loogu iibiyay iskaraab ahaan.

sooyaal 4

Sidoo kale, xogo muuqaal ah oo laga helay Iskaraabkan, ayaa muujiyay sida loo furfuray dhismayaashaas iyo goobo si qarsoodiya loogu ururiyay Birihii iyo alaabooyinkii kale ee laga furay xarunta Jimciyadda Sooyaal ee magaalada Hargeysa, kuwaasi oo la dhigay Garoonka Kubada Cagta Ee Istaadyoonka Hargaysa.

sooyaal 3

Arrintan ayaa noqonaysa mid werwer gelisay dhammaan Bahda Jimciyadda Sooyaal ee aan iyagu lugta ku lahayn tallaabadan iyo Bulshada ku dhaqan Caasimadda Hargeysa inta arrintan ka war-qabta, iyadoo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maamulkan sida khaldan ay ugu wareejisay laga filayay in ay wax ku soo kordhin doonaan Jimciyadda Mujaahidiinta,

sooyaal 2

Hase-yeeshee, tallaabadan ay durba Maamulka cusubi ku kaceen ay bannaanka keentay ujaaddada Xukuumaddu ka lahayd ku weejintooda oo loo turjuman karo in muhiimadda ay Xukuumaddu ka rabtay Maamulkan cusub ay ahayd inay sidan u adeegsato iyo ifafaalaha muujinaya oo u eeg in Xukuumadda Muuse damacsan tahay baabbi’inta Sooyaal, walow aan war rasmi ah laga hayn, waxaana laga war-sugi doonaa hadba tallaabada ay Xukuumaddu ka qaaddo oo ama ka beriyeeli doonta inaanay kula socon Maamulka Sooyaal Tahriibinta Iskaraabka iyo inay iyaduba Markhaati isu noqoto oo ay raalli kaga ahaato sidan habka ay wax u wadaan Maamulku.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE XAMSE JIRDE

COMMENTS
LINKS