|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkee Ayuu Marayaa Shirka Hoggaamiyayaasha Gobolka Ee Magaalada Gondar
November 10, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN) -Magaalada Gondar ee dalka Itoobiya waxaa wali shir ku leh hoggaamiyayaasha saddexda dal ee Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya. Maanta ayaa lagu wadaa in ugu danbeyntii war-murtiyeed laga soo saaro kulanka saddexda hoggaamiye oo ka wada hadlaya sidii loo sii dhameystiri lahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa bishii September lagu gaadhay magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya ay socdaal dhanka dhulka ah ku tagayaan magaalada Bahra Daar ee Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya, halkaas oo ay ku yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan dhammeystirka heshiiska iskaashiga iyo wax wada qabsiga saddex geesoodka ah. “Hoggaamiyeyaasha Gobolku waxa ay iska xog waraysan doonaan xaaladaha guud ee Gobolka, iyagoona si gaar ah uga wada hadli doona dhammeystirka heshiiska iskaashiga saddex geesoodka ah ee Asmara.”ayuu yidhi Cabdinuur Waxaa uu sheegay in shirarkan wadatashiga ah ee ay yeelanayaan Hoggaamiyeyaashani ay ka turjumayaan ka mira-dhalinta dadaallada ku qotama horumarinta dalalka Gobolka Geeska Afrika iyo xaqiijinta hiigsiyada nololeed ee shucuubta walaalaha ah. Isbaheysiyada ka dhex sameysmay dalalka Itoobiya, Eritrea Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo is bedelo ka socdaan Gobolka Geeska Afrika.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|