Halkan Ka Akhri; Xisaabiyaha Guud Oo Si Adag Uga Horyimid Talaabo Uu Wasiirka Maaliyada Jsl Ku Badelay Shaqaale Katirsan Xisaabaadka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri; Xisaabiyaha Guud Oo Si Adag Uga Horyimid Talaabo Uu Wasiirka Maaliyada Jsl Ku Badelay Shaqaale Katirsan Xisaabaadka.
November 6, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xafiiska Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka Somaliland Ayaa Jawaab adag ka Bixiyay shaqaale Xisaabaadka Katirsan oo Dhawaan Wasiirka Wasaarada Maaliyadu xilalkii ka Qaaday.

xisaabiyaha iyo wasiirka

Xisaabiyaha guud ee Qaran Axmed Daa,uud Geedi ayaa qoraal xafiiskii ka soo baxay  sharci daro tilmaamay talaabada uu wasiirka maaliyada ku badalay shaqaalahan isagoo xusay in xisaabaadka iyo wasaarada maaliyada kala baxdan banaan yihiin islamarkaana uuna wasiirka maaliyadu awood u lahayn in uu faro galiyo shaqada xafiiska xisaabaadka.

Sidoo kale xisaabiyaha guud ayaa shaqaalihii uu wasiirka Maaliyadu badalka ku sameeyay ku wargaliyay in ay shaqadooda sii wataan, talaabada wasiirku aanay sharci ahayn

Khilaafka ku Dhexeeya Masuuliyiinta  Ugu Sareeya Wasaarada maaliyada iyo xisaabaadka guud ayaa maraya halkii ugu saraysay kaasi oo hada gaadhay in midba talaabo qaado.

Halkan ka Akhri Nuxurka Qoraalka uu soo saaray Xisaabiyaha Guud ee qaranku iyo Amarada uu ku faray Wasiirka Maaliyada;

xisaabiyaha guud

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS