“Hadii Ay Dhici Lahayd In La Doorto Musharixiintii UCID Ee Saaxadda Tartanka ka Baxay,Ma Laga Yaabaa Inay Isbedel Samayn Kari Lahaayeen”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Hadii Ay Dhici Lahayd In La Doorto Musharixiintii UCID Ee Saaxadda Tartanka ka Baxay,Ma Laga Yaabaa Inay Isbedel Samayn Kari Lahaayeen”Cali Guray.
November 9, 2018 - Written by Editor:

“Weli fari Kama Qodna Somaliland Inay Hesho Hogaamiye Run ah Oo Hogaamin Kara Isbedel Run ah Oo ka Turjumaya Baahida Iyo Danta Shacbiga”Siyaasi Cali Guray.

“Hadii ay Dhici lahayd in la doorto mushariixntii UCID ee saaxadda tartanka ka baxay ama laga saaray ma laga yaabaa inay isbedel samayn kari lahaayeen mise badwaynta siyaaasadda Somaliland ee qabyaaladda u af duuban ayay ku hafan lahaayeen oo kamay dabaalan karayn?

cali guray

murashixiintii ucid

Kolay anigu markii aan taageeray waxan qabay inay uga dhawaayeen musharixiinta labada xisbi ee kale balse Somaliland sida wax lagu doortaa waa si kale. Inta ay sedex xisbi oo keliya u xidhan yahay tartanku een xataa musharax madaxbanaan dastuurku ogolayn waa lagu qasban yahay sedexda hogaamiye xisbi in mar kasta la kala doorto oo weliba qabyaalad lagu kala doorto.

Markaa weli fari kama qodna Somaliland inay hesho hogaamiye run ah oo hogaamin kara isbedel run ah oo ka tarjumaya baahida iyo danta shacbiga. Markaa waxay tani ka mid tahay arimaha muhiimka ah ee loogu baahan yahay in dastuurka la furo oo qodobo badan dib loogu noqdo laakiin taa lafteeda ayaan suurtogeli karin ilaa hogaamiye run ah la helo markaa xaalku waa digaagadda iyo beedka kee baa horeeyay?

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS