|
|||||
WAJAALE NEWS
Hada Uunbay Caadi U Go,day Wasaaradii Warfaafintu?Qalinkii;Samater Cabdilaahi.
November 29, 2018 - Written by Editor:Somalida oo ah dad aad u xikmad badan ayaa waxa la guntay mayd maxaa u danbeeyay markaas ayaa la yidhi kaas la sii sido waxa hadaba la dhigan taas wasaaradii warfaafinta oo markii horeba quus laga joogay saluug badana ay ka muujinayeen shacabka Somaliland mar walbana cabashadooda aad ka aragtaan shaashadaha iyada oo mar laga cabanayo wasiir marna laga cabanayo hanaankooda shaqo ayaa manta waxa ay soo kordhisay in ay samayso cabudhin dhinaca saxaafada badaxa banan. Dhacdo aad u fool xun oon manta kala kulmay shir ay qabanaysay wasaarada warfaafintu taas oo ahayd arin ku cusub nidaamka wada shaqayneed warbaahinta badaxa banan iyo ta dawlada oo aad kala durugsanaa loona baahnaa in wasaarada warfaafinta ah goobta leh hagista iyo hagaajinta warbaahinta Somaliland qaybaheeda kala duwan balse iska daa inay hagaajisee imikuun ayay bilowday burburinta iyo kala qaybinta saxaafada . Manta aniga oo ku sugan hotel maansoor kuna jira shaqo maalmeedkaygii caadiga ahayd ayaan waxaan la kulmay dhacdo aad iiga yaabisay kana fog nidaamka shaqo sidoo kalena ka hor imanaya sharciga iyo dastuurka Somaliland ee ah ka ugu horeeya ee loo hogaansamayo hagana u ah shaqada dawladeed taas oo ay tahay micnaheedu sharciga ayaa cid kasta ka sareeya ayaan isku dayay inaan war ka helo wasaarada warfaafinta oo tababar u soo xidhay arday baranaysay mid ka mid ah culuumta saxaafada oo hayada coffey la yidhaah u qabanaysay qaar ka mid saxaafada Somaliland . Markii aan soo gaadhay goobti waxaan isku diyaariyay inaan guto waajibaadkayga shaqo ee xeerku ii Jideeyay waxaanan ugu horayn isku dayay inaan u kuur galo arintan waxanan la hadlay mid ka mid ah saraakiisha wasaarada oon waydiistay in ay ii fasaxaan in war ka helo arintan oo ah arin weyn qaranka wax tar u ah oo manta warbaahinta Somaliland oo dhaliilo inta badan in aqoon yaraani hayso aan dhiiri galin u noqda dhinaca kalena waxa isna gobta soo gaadhay wasiir ku xigeenka wasaaradaasi maxamed muuse abees oon isagana ka qaatay ogalaansho iina ogalaaday inaan soo galo ka dib markii aan bilaabay inaan siyaar garaysto qalabkayga una dhaqaaqay dhinicii xafladu ka socotay ayaan kala kulmay arin fajac iyo amakaag igu noqotay . Markii aan diyaarsaday qalabkaygii hubsadayna in uu diyaar yahay ayaan u jihaystay dhinacaa iyo halkii xafladu ama shirku ka dhacayay markii aan irada ka galay ayaa waxa markiiba ila boobeen jooog jooog jooog!!!! Waan yaabay maxaa dhacayay ayaan idhi waxay si wada jira halkan uga qaylinaya camera man meesha taagan nin wariye ah iyo mid ka mid ah hawl wadeena shaqada waday oon aqoon dheer isku lahayn yaab iyo amakaag ayay noqotay sidoo kale sarkaalka ka socday hayada COFFEY oo lagu magaacaabo andy ayaa isugan goobta ku sugnaa iyo wasiir ku xigeenka way yabeen markii aan yidhi maxaa dhacay waxay igu jawaabeen saxaafada badaxa banan ma ogolin waxaana noo duubaya tv qaranka . Hadaba waxan idin yara tusaya khaladaad sharci iyo ku hanaanka shaqo ee kaceen shaqsiyaadkaas . Marka xaflad noocan oo kale la qabanayo ama ay ka soo qayb galayaan madax xukumada ka tirsan waxa jira hab maamus ama cida leh amarka oo iyada shaqada loo daba fadhiisto balse taasi guud ahaan kama jirto wasaarada warfaafinta waxyaabaha ragaadiyay ka mid tahay is garab yaaca iyo iyo kala boobka maamulka . Waxan la yaabay meesha uu jooga sarakiil ka socota hayadaha caalamiga ah ee waliba u oleeyay xuquuqda iyo madax banaanida warbaahinta wasiir ku xigeen marti sharaf kale oo shaqsi yar oon waxba ahayn uu doonayo in uu ku amar ku taagleeyo awood ku muquuniyo sharciga iyo kala danbaynta ayaan garan waayay cida uu awooda intaas leeg ka haysto markii aan baadhayn waxa ii soo baxday in guud ahaanba aanay maamul iyo kala danbayn aanay ka jirin wasaaradaas iina soo baxday inay tahay waxyaabaha liidka ka dhigay wasaaradii qaranka ugu xoog weynd ee ay weyda la noqotay . Hadaba dib aynu ugu noqono wixii halkaasi iga qabsaday waxanan mar qudha yaabku nawada qabsaday aniga iyo xubnihii halkaasi ku sugnaa arintani waxay cadayn u noqonaysaa in shaqsiyaad hoose ay yihiin kuwa cadaawada u abuura xukumada saxaafada ku dira iyo in hayadaha tageera ama daneeya saxaafadu ay ogadeen in wasaarada warfaafintu mar walba tahay ta haysa ama dabraysa saxaafada waxaana arintaasi ka marag ah ANDY oo ah sarkaal ka tirsan hayada COFFEY. Markii ay diideen inaan duubto arintiina cakiran tahay halkaas ay naga daawanayaan dhamaan dadkii ka soo qayb galay ayaan weydiiyay ninkii hawshani watay oo la yidhaah deeq aw cali waxan maxaa dhacay ? Waxa uu yidhi hawshan looma ogala saxaafada inay ogaato ? Oo maxan loogu ogalayn ee ay idinka galabsatay waa wasaaradii oo keliya ayuu igu yidhi ? Markii aan ku idhi kuwan fadhiyaaba sawkuwa saxaafada badaxa banan ka hawl gala ayaa maya maya ma ogolin saxaafada badaxa banan cabaar markii aan wada hadlay xafladuna ay taagnayd halkaas uu naga soo eegayo wasiir ku xigeenku maqlaya waxaan isku leenahay ayaan anigu roonaaday oo soo baxay hadaba waxa is weydiin leh Wasaarada Warfaafintu oo ah halkii sharciga ilaalin lahayd dadka bari lahayd sharci jabin intee leeg samaysay. 1: Waxay ka Hor Timid xorriyada madaxa banaanida saxaafada 2: Waxay cabudhisay afkana qabatay cidii baahin lahayd waxqabadka iyo horumarka xukumadu wado 3: Inay Ku Tumatay sharciyadii iyo kala sarayntii shaqo oo shaqsi sharciga gacantiisa ku fushanayo Hadaan qodobo sharci idinku tusana Qodobka 5aad Xeerka Saxaafadu waxa oo odhanaya sidan Xaqa ka qaybgelidda hawlaha saxaafadda & Xaqa Socodsiinta Hawl-qabad Saxaafadeed Qof kasta oo muwaadin Somaliland isagoo kelidiis ah ama shirkad kula ah dad kale, wuxuu xaq u leeyahay abuurida iyo Socodsiinta hawl-qabad kasta oo saxaafadeed. Sidoo Kale Waxa Jira Isna Qodob Xalaalaya Doodaydan OO Ah Xubinta III XUQUUQDA HELITAANKA WARARKA Qodobka 8aad Awooda Helitaanka & Fidinta Wararka 1) ; Suxufiga looma xidhi karo hawlgal saxaafadeed, iyadoo xadhigiisa aanay xalaalayn Maxkamad awood u lihi. 2) ; Saxaafad kastaa iyo wakiiladeedu, haddii aan Xeer ka reebin.waxay xaq u leeyihiin inay ka doonaan, ka helaan, kana weriyaan wararka iyo macluumaadka ilo kasta oo dawladda ah, oo wararkaas iyo macluumaadkaasi ku xidhan yihiin. 3) ; Saxaafad kasta iyo wakiiladeedu, waxay xaq u leeyihiin fidinta wararka, macluumaadka iyo wax soo saarka kale ee saxaafadeed . 4) Suxufigu wuxuu xaq u leeyahay inuu dawladda ka helo wixii dhokomenti ah ee la xidhiidha hawlihiisa. 5) Arrimaha hoos ku qoran lama ogola shaac-bixintooda iyo fidintoodaba: a)Tacliiq ku saabsan dacwad aan go’aan laga gaadhin, oo weli maxkamad hor taal. b)Iyadoo qofka ay khusayso ogolaado mooyaane, macluumaadka khaaska ah, ee khuseeya dhibane fal-dambiyeed la gaadhsiiyey. 6) Sheegidda ilaha wararka: Soo saaraha ama tifaftiraha ama wariyaha ilaha uu ka helay ama ka soo xigtay macluumaadka uu u isticmaalay saxaafaddiisa waxa keliya oo waydiin kara garsooraha maxkamadda, haddii ay lagama maarmaan u tahay go’aan ka gaadhista dacwad maxkamad hortaal. Maxaa Ka Khaldan Wasaradii warfaafinta Ee Sharciga Ugu Tumanaysaa Akhriste Idinkan Idin Weydiyay Waana Weydiin Hortaala Dadweynaha Somaliland Waxaan Qoraalkaygan Ku Soo Gunaadayaa . Madaxweyne Wasaaradii Warfaafinta Cid U Dirso Wax Kasta Oo Ka Yimaada Warbaahinta Madaxa Banaana Waxa Kuu Abuuray Shaqsiyaad Dulaan Ku Ah Geediga Cusub Eed Rabto Inaad Somaliland U Rarto. Arintan Ayaan U Bandhigay Ururka Suxufiyiinta Somalilad SOLJA Iyo Waliba Warbaahinta Badaxa Banan Iyo Daneeyasha Arimaha Saxaafada Deg deg Waan Looga Jawaabi Doona QALINKII; Samatar Cabdilahi Adan COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|