|
|||||
WAJAALE NEWS
Dowladda Soomaaliya oo Markii U Horeysay Soo Dhaweysay Baadhitaanka Dilkii Jamaal Khashoggi
November 17, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweyay baadhitaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda Sacuudiga, kaasi oo ku aadan arrinta wariyihii lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ku leedahay dalka Turkiga ee Jamal Khashoggi. Qoraalka ka soo baxday dowladda Soomaaliya ayaa dhignaa sidan:- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay soo dhoweyneysaa baadhitaanka ay ku dhawaaqday Xeer ilaalinta guud ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaas oo lagu xog-wareystay dadka u xidhxidhan dilka muwaadinka Sucuudiga Jamal Khashoggi. Soomaaliya waxaa ay u aragtaa tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan si daaha looga qaado xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan xaaladaha kiiska.
Related posts:Daawo: Guddoomiye Cirro Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalaadaa Ha... Daawo:Qurbo Joogta Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalka Ingiriiska Oo Sanadkan 18 May 2017 Kaga Gariir... Daawo:Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Wadani Oo Kulan La Qaatay Wasaarada Arimaha Dibada Ee Dalka Bi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|