Dowlada Sacuudiga oo Markale Si Xun U Dishay Wariye Kale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowlada Sacuudiga oo Markale Si Xun U Dishay Wariye Kale
November 6, 2018 - Written by Reporter:

Riyadh (WJN)- Qoraagii reer Sacuudi isla markaasna ahaa Wariye Turki Bin Abdul Aziz Al-Jasser ayaa dhintay kadib markii lagu jidh dilay Xabsi ku yaal dalka Sacuudiga, sida uu qoray wargeyska New Khaleej.

Arrintan ayaa imanaysa bil kadib markii Sacuudigu ay qirteen in suxufi Jamaal Khaashuqji lagu dhex-dilay qunsuliyaddooda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Illi wareedyo Xuquuqul Insaanka u doodo ayaa sheegay in Al-Jasser la xidhay isla markaasna uu jidhdil u dhintay kadib markii ay dowladda Sacuudiga ku eedeysay inuu maamulayey akoonka Twitter ee Kashkool kaasoo hadda la xidhay kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen qoyska Boqortooyada.

Sida ay illo wareedyada xaqiijiyeen Al-Jasser ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa ninkii Maamulayey Akoonka Twitterkaa uuna ku shaqeenayey Xafiis ku yaala Dubai.

Image result for Kadib Jamaal Khaashuqji, Sacuudi Carabiya oo si xun u dishay suxufi kale

Wariyahaan ayaa waxaa la xidhay Bishii March ee sanadkaan, waxaana lasoo sheegayaa inuu u dhintay tacadi xoog leh oo loogu geystay xabsiga dhexdiisa.

Dilkaan loo geystay wariyahaan ayaa kusoo beegmaya Xilli ay weli Sacuudigu dhexda kaga jiro fadeexadii ka dhalatay dilkii dalka Turkiga loogu geystay Wariye Jamal.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa u qorsheysay dil iyo xabsi cid kasta oo ka hor timaado amaradooda, waxayna Awoodii dalkaas kusoo koobmatay Qoyska Boqortooyada.

COMMENTS
LINKS