|
|||||
WAJAALE NEWS
Dowladda Britain oo Safaarad Ka Furanaysa Jabuuti
November 1, 2018 - Written by Reporter:Djibouti (WJN)- Dowladda Britain ayaa qorshaynaysa in ay shaqaaleysiiso ilaa 1,000 qof oo diblomaasiyiin ah, iyadoo doonaysa inay ballaadhiso xidhiidhka ay la leedahay dalalka dunida, ka dib marka ay ka baxdo midowga Yurub, sida uu Arbacadii sheegay xoghayaha arrimaha dibadda, Jeremy Hunt. Talaabadan ayaa keenaysa in la abuuro 12 xafiis oo hor leh, safaarado ama ergooyin, waxaana ku jira safaarad cusub oo Britain ay ka furanayso Jabuuti. Waxaa kale oo xafiiska ay ku leeyihiin dalka Chad laga dhigi doonaa safaarad buuxda. Kunka diblomaasi ee cusub ayaa 335 ka mid ah waxay ka shaqayn doonaan dibadaha, halka 328na uu saldhigoodu ahaan doono xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee magaalada London, iyadoo 329na ay noqon doonaan shaqaale cusub oo laga qoro dunida oo dhan. Britain waxay xoogga saari doontaa shaqaale ku hadla luqadaha lagaga hadlo dalalka ay doonayso inay xoojiso cilaaqaadka ay la leedahay.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|