Dalka Kenya oo Markii U Horeysay Yeeshay Ciidammada Badda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka Kenya oo Markii U Horeysay Yeeshay Ciidammada Badda
November 19, 2018 - Written by Reporter:

Mombasa (WJN)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu yeeshay ciidammo cusub oo gaar ah markii ugu horreysay oo ilaalin doona badda isla markaasna la socon doono dhaqdhaqaaqyada howlaha ammaanka badda.

Waxaa la filaya in ciidammadan cusub uu sannad kasta ku baxo kharash gaadhayo 10Milyan dolar.

Ciidammadan badda ee Kenya yeelatay ayaa ka hortaggi doonaa badeecadaha sharci darrada ah,daroogada iyo kalluumaysiga sharci darrada ah.

Madaxweynaha Kenya oo ku sugnaa munaasabad ka dhacday agagaarka badda Mombasa wuxuu ku amray ciidammada inay soo qabtaan doomaha shisheeye ee sida sharci darrada uga kalluumaysanayo badda Kenya.

Kalluumaysatada Kenya ayaa in muddo ah ka cabanayay tacaddiyo ay kala kulmaan ciidammada Uganda ee ku sugan harada Victoria gaar ahaan dhul lagu muransan yahay.

Ammaanka xeebaha Kenya waxaa inta badan ilaaliya ciidammada militariga ee loo tabbabaray ilaalinta halkaasi balse hadda waxay diiradda saari doonaan arrimaha ammaanka iyo militariga maadama dalkaasi uu yeeshay ciidammo u gaar ah ilaalinta biyaha.

8e172349-05de-44b6-8123-f10c00c6a3e8

 

COMMENTS
LINKS