Dabayl Ciid Wadata oo Ku Dhufatay Australia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dabayl Ciid Wadata oo Ku Dhufatay Australia
November 22, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Dabayl xoog badan oo ciido wadata ayaa ku dhufatay bulshooyinka ku dhaqan koonfurta bari ee dalka Australia, midabkii cirka ayaa jaale isu badalay waxaana jira walaac laga qabo tayada hawada.

Masuuliyiinta ayaa dadka ku nool magaalada Sydney u diray fariin caafimad Khamiistan, dabaysha ayaana sababtay in ay dib u dhacaan duulimaadyo.

Deegaanno badan oo ku yaalla New South Wales ayaa wajahaya dhibaatooyin ay ka mid yihiin aragga oo aad u liita siigada ka caysa awgeed.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in dhibaatadan ay ka dhalatay dabaysha qaadaysa ciidda engagan ee dhulka.

Gobolka New South Wales waxaa ka jira abaar ba’an oo ku dhufatay bishii Agoost, sida ay shaacisay xafiiska saadaasha hawada ee dalka Australia.

 

a411adfc-2027-4b93-bd21-0619fbcbcc27 9ff9f473-7208-484f-9389-ce28d17c365c

COMMENTS
LINKS