|
|||||
WAJAALE NEWS
Dab Qabsaday Qayb Ka Mid Ah Keydka Radio Muqdisho
November 12, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)- Waxaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in la damiyo dab qabsaday qeyb ka mid keydka Idaacada Radio Muqdisho. Agaasimaha guud ee Wasaarradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in gar ahaan dabka uu qabsaday sida uu hadalka u dhigay qeybta keydka afafka qalaad, isaga oo intaa ku daray in qeybaha kale ee keydka wax saameyn ah ku yeelan dabkan. Khasaaraha ka dashay dabka ma badna sida uu sheegay agaasimaha, waxaana socda baadhitaan la xidhiidha saameynta u geystay iyo waxa sababay dabkan intaba.
Related posts:Wasiirka Caafimaadka oo Sheegay inaan Cali Khaliif Galaydh Lagu Caleemo Saari Karin Deegaanka Buuhoo... DAAWO;-Siyaasi Cabdilaahi Dirawal Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasiya Iyo Wakhtiga Ay Bilaabantay Khatarta ... Maayarka Caasimada Iyo Xoghayaha Dawlada Hoose Oo Kormeer Ku Tagay Warshada Ee Soo Saarta Daamurka W... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|